Home wararka Dalka Sawiro Magaalada Cadaado oo isku diyaarisay Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo Halkaasi...

Sawiro Magaalada Cadaado oo isku diyaarisay Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo Halkaasi ku Wajahan..

0

Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug si aad ah maanta looga dareemayaa diyaargarowga loogu jiro soo dhoweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo magaaladaasi ku wajahan.

Sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya oo lagu xardhay boorar waa weyn ayaa lagu arkayaa goobaha ugu muhiimsan ee magaalada,waxaana dad badan ay isugu tageen xarunta madaxtooyada KMG Galmudug ee magaalada Cadaado.

Haween,carruur iyo Ciraalo ayaa magalaada isugu soo baxay kuwaasi oo qoraxda u taagan soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in saacadaha soo socda magaaladaasi ay gaaraan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaasi oo uu kulamo kula yeeshey qeybaha bulshada iyo madaxda Galmudug,
wuxuu dhagax dhigay wado isku xirta Gaalkacyo iyo Hubyo,isagoo sidoo ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo.
10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here