Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan oo Fariin Culus u diray Saraakiisha Ciidanka Xooga Soomaaliya kana...

Madaxweyne Xasan oo Fariin Culus u diray Saraakiisha Ciidanka Xooga Soomaaliya kana Hadlay Dagaalkii Cowswayne

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa dadka Soomaaliyeed ugu laab qaboojiyey in lala xisaabtami doono, laguna ciqaabi doono shaqsiyaadka  ku tagri fala awooda ciidanka qaranka ama cadowga u dayaca ciidamada markii loo dhiibay hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray waqtigii la abaal-marin lahaa ciidanka iyo saraakiisha soo hooyey guulaha wax ku oolka ah, isla markaana lala xiisaabtami lahaa kuwa ku tagri falay wadooda ciidanka ee loo dhiibay.

“Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa awooda ciidanka ee la siiyey, dowladnimo waa isla xisaabtan, ogaada kuwa ka shaqeynaya qalqal gelinta ciidanka waa Shabaab, noogama sokeeyaan,” ayuu  yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay dagaalkii Cowsweyne ayaa sheegay in khasaaraha la sheegay uusan gaarin ciidanka qaranka, balse Al-Shabaab aad loogu jebiyey dagaalkaas, taas oo sababtay in hal xabaal-wadareed ay ku aasaan meydadka 190 maleeshiyaad ah, sida uu sheegay Xasan Sheekh.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waa dadaasheen, waana ka soo baxdeen doorkiina, wax canaan ah malihidiin, saraal, askari ama nin madax ah oo idinku dhex jira oo qalad sameeyey hadii uu jiro, waa lala xisaabtamayaa, laakiin qaladkiisa yaan laga bixin jawaab kale oo qalad keeneysa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa ku goodiyey in wax kasta oo car qalad ah hadii la sameeyo uusan dagaalkaan istaagi doonin, “Wax kasta hadii ay dhacaan meelaha aan joogno ka soo noqa meyno, horay ayaan u socaneynaa ilaa aan gaarno guusha kama dambeysta ah ee aan u socano,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in dalku uu galay dagaal aan laheyn meel looga laabto, guushiisana ay muuqato, wuxuuna codsaday in dowladda uu hoggaamiyo lagu garab istaago dagaalka Khawaarijta.

“Shabaab maanta waa liitaa, halka anagu aan intii hore ka tiro iyo tabar badanahay, guulo badan oo cadowgu uusan heysan ayaan heysanaa, geesiyaasha qaranka waxaan leeyahay guushii soo haabasho ayaa ka hartay, waxaana 100% ku kalsoonahay inay guusha dhameystiri doontaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Gacanta Ku Dhigay mid kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Alshabaab
Next articleMaxaan ka ognahay dilka taliyihii hay’adda NISA ee degmada Doolow iyo Sababta Xaaskiisu u Dishay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here