Home Wararka Maanta Xubno ka tirsanaa koox dil geysatay oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Sawirro)

Xubno ka tirsanaa koox dil geysatay oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Sawirro)

0

Boliiska Saldhigga degmada Dharkeynley iyo Maamulka degmada oo iskaashanaya ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen eedaysane ka mid ah ciyaalweero dil ka gaystay degmada 28/3/2023  abaaro 22:30 pm.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska G/Banaadir ayaa lagu sheegay iney socoto baaris iyo baadigoob loogu jiro inta ka maqan gacanta cadaaladda ee qaybta ka ahayd fal dambiyeedka dilka ah.

Kooxaha loo yaqaano Ciyaal weerada ayaa falal amni daro oo aad u xoogan ka wada magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah, kuwaasoo iskugu jira, dil iyo falal kale oo argagax leh.

Dhinaca kale, Galabta Abaaro 5:40 ayaa Degmada Warta nabada gaar ahaan waaxda Jeneraal Daa’uud waxaa lagu dhaawacay Muwaadin darawal ka ahaa gaariga loo yaqaan iska rogaha, waxaana dhaawaca u gaystay Askari ka tirsan Ciidanka xoogga.

Ciidanka booliska Saldhigga Warta nabada oo gaaray goobta ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysanaha, waxaana la waafajin doonaa sharciga sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay taliska Booliska G/Banaadir.

Ad
Previous articleMareykanka oo Somalia u soo Magacaabay Safiir cusub oo ka awood badan kuwii hore
Next articleDowlada Soomaaliya oo Jawaab kulul Ka Bixisay Hadal Kaso Yeeray Cali Dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here