Home Wararka Somaliya Galmudug Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Xalaad Deg deg ah Kadib Fatahaadihi Ku...

Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Xalaad Deg deg ah Kadib Fatahaadihi Ku Dhuftay Gaalkacyo

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka, ayaa ku dhowaaqay xaalad deg deg ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo halkaasi kusoo dhaweeyeen guddoomiye ku-xigeenka xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan Aadan, ayaa waxa uu ka sheegay in halis weyn ka jirto dalka.

Xaaladda deg-dega ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ah mid loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.

Mudane Saalax ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah iyo in dowladdu waddo abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobalka Gedo iyo qeybo kamid ah gobolada dalka.

“Halis weyn ayaa dalka ka jirta, taasi oo ka dhalatay roob xooggan oo ka da’ay qaybo kamid ah gobollada, dhimashada ayaa ka badan 10 qof,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda SODMA.

Waxa uu intaas kusii daray “Go’doon, naf-waa, xoolo baxa, beero la waayo, burbur guryo iyo deegaan, barakac iyo adduunkii iyo meelihii wax ka soo gaarayeen oo ay ka xirmaan ayay halis ugu jiraan dadkaasi. Waxaa dadka Soomaaliyeed culimadooda fareyna in ay dadka wax u sheegaan oo u qaadhamaan.”
Ad
Previous articleQoyska Shiikh Xasan Diirshe oo dhawaan lagu dilay Dhuusamareeb oo war cusub soo saaray
Next articleWasiir Israa’iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here