Home Wararka Maanta Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo shaacisay tirada askar maydka...

Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo shaacisay tirada askar maydka ahayd ee Soomaaliland Goojacade uga xarartay

0

Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa shaacisay in askar mayd ah looga tegay jiida hore ee dagaalka gobolka Sool.

ICRC ayaa sheegtay in ay aastay 42 meyd ah oo laga soo saaray jiida hore, kadib dagaalkii ay SSC ku jabisay ciidamada Somaliland, kaasi oo ay ku qabsatayna askar badan oo ka tirsanaa kuwa Somaliland.

“ICRC-da toddobaadkii la soo dhaafey 110 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday isbitaallada, halka 42 meyd ah laga soo aruuriyey goobihii lagu dagaalamay si loogu sameeyo aas,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda ICRC.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac ah loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Taas macneheedu waxa weeye in qof kasta oo xidhani uu helo cunto iyo biyo oo aanu la kulmin in si xun loola dhaqmo.”

ICRC ayaa dhawaan sidoo kale booqatay in ka badan 300 oo maxbuus oo kamid ah ciidamadii Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada SSC.

Waxa kale oo ay shaacisay hay’addu in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen.

Waxay xaqiijisay in dadkaas ay ku jiraan afar maxbuus oo dhaawacyo qaba, kuwaasi oo loo gudbiyey isbitaalka, waana markii ugu horeysay oo laga soo waramay tirada iyo aragtida ciidamadii Somaliland ee u gacan galay SSC.

Boqolaal qof ayaa lagu kala qabsaday dagaaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo, waxayna ICRC markii ugu horeysay ku guuleysatay inay booqato maxaabiista labada dhinac, si loo ogaaday nolosha lagu hayo.

Shaqaalaha hey’adaas ayey Somaliland u ogolaatay inay booqdaan maxaabiis laga qabtay xoogagga SSC, kuwaasi oo ku xiran xabsiyada magaalada Hargeysa.

Si kastaba, Dagaalka gobolka Sool ee u dhaxeeya Somaliland iyo SSC ayaa socday tan iyo bilowgii sanadkan, waxaana colaaddu ay sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, burbur hantiyeed oo baahsan iyo boqolaal kun oo qof oo ka barakacay guryahoodii.

Ad
Previous articleWasaarada arimaha Gudaha Galmudug oo Ka Hortimid Xilka Qaadistii lagu Sameeyey Gudoomiyihii Degmada Caabudwaaq iyo Khilaaf Culus oo Galmudug ka Curtay
Next articleMuran xooggan oo ka taagan guraha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here