Home Wararka Maanta Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la Heshiinaayo iyo Xasan Beri Safar...

Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la Heshiinaayo iyo Xasan Beri Safar ah

0

Madaxweynaha JFS ayaa berri tagaya dalka Kenya, kasokow lakulanka MW Kenya, Xassan Sheekh ayaa halkaas kaga qeybgali doono shir beeleed ay xubnaha dhaqanka iyo ganacsatada beeshiisa iskugu keenayaan isaga iyo MW hore Shariif Sheekh Axmed.

Shirka Beesha Mudulood ee dhexdhexaadinta oo kasoo bilowday magaalada Makka todobaadkii hore, ayaan la aqoon natiijada kasoo bixi karta oo ay isku qaadan karaan Madaxweyne Xassan iyo MW Shariif Sh Axmed.

Madaxweynaha ayaa kuhowlan qancinta siyaasiinta saami qeybsigiisa hoose ee aragtidiisa aan kuqanacsaneyn, isagoo todobaadyo kahor gurigiisa ugu tagey Senator Muuse Suudi, una balan qaaday Jagooyin iyo in Maamulka gobalka Banaadir usiin doono shaqsiyaad dhinaciisa ah.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar ku Qaaday Gudaha Dalka Kenya
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Kaliya Sababta uu xilka uga Dagaayo 2026

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here