Home Wararka Maanta Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Magacaabay Xoghayaha Guud ee Aqalka sare

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Magacaabay Xoghayaha Guud ee Aqalka sare

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Abdi Hashi Abdullahi, ayaa u magacaabay xilka Xoghayaha Guud ee Aqalka sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, markii uu tixgeliyay aqootiisa iyo waayo-aragtimadiisa shaqo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 1-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka ee OC iyo Ka doodista iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare sSenator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa Sanatarrada u faahfaahiyay qodobada Xeer-hoosaadka ee ay wax ka bedelka, toosinta iyo sixitaanka ay ku sameeyeen..

Senator Saed Abdi Hussein (Cawke) ayaa ka mid noqday xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka JFS, kadib markii maanta uu Golaha Aqalka Sare ka helay codka kalsoonida.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Masuul Sare oo ku naf waayey qarax ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar
Next articleMadaxda Dowlada Federalka iyo kuwa Jubaland ‘oo laga mamnuucay’ Gedo Kadib Dilkii Taliye Bakool kooke

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here