Home Wararka Somaliya Jubbaland Doorashada kuraas ka Mid Noqonaya Golaha Shacabka oo Xalay la...

Doorashada kuraas ka Mid Noqonaya Golaha Shacabka oo Xalay la Doortay iyo Kursigii Gacan yaraha Fahad oo Xildhibaan kale loo Doortay(Sawiro)

0

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay caawa doorashada Labo kursi ee tirsigoodu yahay Hop029 iyo Hop124 ee Golaha Shacabka.

Kursiga Hop029 oo ay leedahay beesha Majeerteen ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan hase ahaatee waxaa ku soo baxay hadda Axmed Maxamuud Jamaac (Buux)

Kursiga labaad ee Hop124 oo ay leedahay beesha Shiikhaal waxaa ku soo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo ka tirsan xubnaha ku dhow Axmed Madoobe.

Waxaa Kursigan horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah saaxiibada taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Magaalada Kismaayo waxaa weli ku harsan doorashada labo kursi oo la qaban doono todobaadkan gudihiisa sida uu sheegay guddiga doorashada Jubbaland.

Ad
Previous articleDeg Deg: Deni oo ku Dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne
Next articleMadaxweynaha Hirshabeele oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyhii Gudiga Doorashooyinka Hirshabele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here