Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Hadlay Qarixii ka dhacay Turkiga Xili...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Hadlay Qarixii ka dhacay Turkiga Xili uu ka aamusay kii Ka dhacay Dhuusamareeb oo uu ku suganyahay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in isaga iyo dadweynaha Soomaaliyeedba ay garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacbiga Turkiga.

Waxaa uu intaas ku daray in ficilladan fulaynimada ah kaliya looga dan leeyahay in lagu wax yeeleeyo dad aan waxba galabsan, isagoo ku baaqay in wadajir loogu istaago ka hortagga argagixisada.

Qarax ayaa saaka ka dhacay meel u dhow xarunta Barlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara kaasoo ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee wadanka Turkiga.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaanan Ka Hadlin laba  Qarax oo Asbuucii Hore lagu soo Qaaday Caasimada Galmudug Dhuusmareeb oo uu mudo ku dhow laba Bilood uu ku suganyahay.

Ad
Previous articleXafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo racfaan ka qaatay xukunnadii masuuliyiintii dowladeed ee loo haystay musuq-maasuqa Xili kuwii la Fasaxay Wali Xabsiyada lagu Haayo
Next articleTaliyaha ciidanka dhulka xogga ee Dhawaan la magacaabay oo Gaaray Degmada biyacadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here