Home Wararka Somaliya Galmudug Beelaha Daga Ceelbuur iyo Alshabaab oo khilaaf Xoogan Ka dhextaaganyahay oo Gacan...

Beelaha Daga Ceelbuur iyo Alshabaab oo khilaaf Xoogan Ka dhextaaganyahay oo Gacan Kahadal Qarka Usaaran

0

Wararka naga soo gaaraya Galmudug Gaar ahaan Degmada Ceelbuur ayaa sheegayaa in Maalmihii Danbe Alshabaab iyo Odayaasha Dhaqanka Degmada Ceelbuur uu ka dhex taaganyahay Khilaaf Xoogan oo Qarka uusaaran in uu isku Badalo Gacan Kahadal.

khilaafkaan ayaa yimid Kadib Markii Dhawaan Alshabaab Sadex Dhalin yara ah oo kasoo jeedo Beesha Mursade ay ku xukumeen Dil Toogasha Balse Waxaa taas ka Biya Diiday Odayaasha Dhaqanka Beesha Mursade.

Sadexdaan Dhalinyarada ah ee alshabaab Dilka ku xukumeen ayaa Waxay Horay Udileen nin Dhalinyara ahaa oo ka Tirsanaa Kooxda Alshabaab oo ku sugnaa Degmada Wabxo ee Gabalka Galgaduud ninka Katirsanaa Alshabaab ee La Dilay ayaa u Gacan Qaaday Gabar Maqaayad ku lahayd Degmada Wabxo.

Sadexdaan wiil oo kusugnaa Maqaayada uu falkaasi ka dhacay ayaa ka carooday waxa uu sameeey ninkaan ka tirsanaa Alshabaab willashaan ayaana Garaacis kadib nafta Dhaafiyay ninkii Alshabaab ka Tirsanaa.

kooxda Alshabaab oo ka carootay arinkaas ayaa Soo qabtay Sadexdii Wiil waxayn Geeyeen Saldhig ku yaala Degmada Ceelbuur kadibna waxa ay ku xukumeen Dil Toogasha ah Balse odayaasha Mursade ayaa wacad ku maray Hadii ay Alshabaab Dilaan Sadexdaas wiil Inay kasaari doonaan deegaaanadooda Alshabaab ayaa dhankooda diiday inay sii daayaan wilshaaan lama oga halka uu ku dhamaan doono khilaafkaan culus ee Ka qaraxay Ceelbuur.

dhanka kale beesha Duduble ayaa ayana ka caraysan odayaal ka tirsan beeshooda oo alshabaab dhawaan kasoo xireen deegaanka Garable kuwaas oo Haatan ku xiran Xabsi ku Yaala Degmada Ceelbuur odayashaan ayaa Diiday inay Bixiyaan lacago ay Alshabaab kusoo rogeen.

Alshabaabka kusgan Galmudug ayaa Haatan wajahaaya Weerar culus ookaga soo wajahan dhanka Dowlada oo Wajiga labaad ee dagaalka ka bilowday Galmudug Khilaafkaan kaga imanaaya dhanka beelaha ayaa soo dadajin doona inay alshabaab isaga baxaan degaanada galmudug aykaga suganyihiin.

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Markale Saakay Weerar ku Qaaday Xero Ciidan oo ku Taala Muqdisho
Next articleMadaxweynihii Hore ee kenya oo Shaaciyay qorshe halis ku ah Wiilkiisa oo maleegeen Booliiska Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here