Home Wararka Maanta Ruushka oo Denmark uga digay inay heshiis la galaan Maraykanka,

Ruushka oo Denmark uga digay inay heshiis la galaan Maraykanka,

0

Ruushka ayaa Denmark uga digay inay heshiis la galaan Maraykanka, taasoo macnaheedu yahay in askar Maraykan ah la geeyo jasiiradda Denmark.

Ruushka ma faragelin doono siyaasadda difaaca Denmark, ayay tiri ra’iisul wasaare Mette Frederiksen, oo ka fikiraysa in Maraykanku uu awood u leeyahay inuu askar u diro Bornholm.

– Aad ayaan uga jawaabi karaa taas si kooban. Safiirka Ruushka ma faragelin doono waxa ka socda Bornholm, ayay tidhi Frederiksen mar uu booqasho ku tagay Bornholm Khamiistii.

Waxay ku nuuxnuuxsatay, in Danmark ay tahay waddan madaxbannaan.

Horaantii sanadkan, dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday in ay Maraykanka kala xaajoon doonto heshiis siyaasadda amniga ah, taas oo macnaheedu yahay, in askar Maraykan ahi yimaadaan Danmark.

Bishii Febraayo, safiirka Ruushka ayaa sheegay in Ruushka iyo Danmark ay heshiis cad ka gaareen in aan askar Mareykan ah la geyn doonin jasiiradda. Wuxuu soo hadal qaaday heshiis la gaaray dagaalkii labaad ee aduunka kadib.

Ad
Previous articleMaamulka Jubbland oo ka hadlay go’an kooda ku aadan ceyrinta Francisco Madeira
Next articleMidowga Yurub oo mamnuucay soo dejinta dhuxusha Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here