Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo eedeyn u jeedisay Madaxweyne Xasan kana hor timid Go,aanka Xasan...

Puntland oo eedeyn u jeedisay Madaxweyne Xasan kana hor timid Go,aanka Xasan ee Dastuurka

0

Wasiirka caddaaladda iyo dastuurka ee Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa si adag uga hadley tallaabooyinka dowladda federaalku waddo ee ay ku doonayso inay wax kaga beddesho dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inuu meesha ka saaro heshiiska dowladnimada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay horseedayso inuu dalku galo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

Wasiirka caddaaladda Puntland wuxuu sheegay, in Puntland ay ogoshahay wax ka beddelka dastuurka in loo maro waddo sax ah oo waafaqsan cutubka 15-aad ee dastuurka, kaasoo sheegaya in wax ka beddelkiisa loo maro habraac uu dastuurku sheegayo oo ah in heshiis iyo wadatashi loo dhan yahay laga sameeyo.

“Madaxweynaha iyo dowladdiisa waxay waxay Muqdisho ka wadaan waxay ummadda u keenaysaa dib u dhac. waxay keenaysaa in dastuurkii ama qoraalkii keli ah ee dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ay maanta daaqadda ka saarayaan, oo waddo sharci darro ah u marayaan. Taas ma shaqeynayso, Qaranimada Soomaaliyeed iyo dastuurka, Xasan iyo koox yar uu wato ma beddeli karto,” ayuu yiri wasiirka caddaaladda.

Hadalkan diidmada ah ee kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli Baarlamaanka Federaalka ee labada Aqal ay guda galeen ka doodista wax ka bedelka Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleBaarlamanka Somaliland oo ka horyimid heshiiska uu Muuse Biixi badda ku siiyey Itoobiya
Next articleAlshabaab oo Madaafiic Culus ku Garaacay Degmo kale oo ka Tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here