Home Wararka Maanta Ciidamo Hor leh uu ku biiraaya Dagaalka ka Dhanka ah Alshaab oo...

Ciidamo Hor leh uu ku biiraaya Dagaalka ka Dhanka ah Alshaab oo Tababar loosoo Xiray(Sawiro)

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray Ciidamo katirsan Ururka 12-aad ee Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo xiray Ururka 12-aad ciidanka Gorgor ee CXDS kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee Ciidanka.

Ciidamadan oo ah kuwo qaba tababar dhammeystiran ayaa ku biiri doona hawlgalada ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku dalka kaga saari lahaayeen AS.

Wasiiru dowlaha ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay kaga go’antahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Wasiir Cabdinuur oo bogaadiyay dadaalada ciidanka qaranka ayaa sidoo kale u mahadceliyay macalimiinta dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiinta Soomaaliyeed ee juhdiga ku bixiyay Ciidankan intii uu tababarka socday.

Ad
Previous articleCumar Maxamed Ismaaciil oo katirsanaa Alshabaab kana Howlgalay Gaalkacyo oo Arimo layaab leh soo Bandhigay Xili Gacanta lagu Dhigay
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Xildhibaano ku Dhinteen kadib Ciidamada Dowlada oo Qabsaday Degaanka Ceelgaras

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here