Home Wararka Somaliya Jubbaland Xassan C/llaahi Cabdi oo Hoyadiis Dil argagax leh ugu Gaystay Magaalada Kismaayo...

Xassan C/llaahi Cabdi oo Hoyadiis Dil argagax leh ugu Gaystay Magaalada Kismaayo iyo Booliska Oo Gacanta Kusoo Dhigay Arxanlawahaas(Sawiro)

0

Wararka ka imanaaya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Booliska magaaladaasi ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiigle toorida ku dilay Hooyadiisa.

Saraakiisha Booliska magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Xassan C/llaahi Cabdi Shire oo gurigooda oo ku yaalla xaafada Farjano ku dilay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Xaliimo Xassan Cumar.

“Wuxuu ku soo xirtay qol ka tirsan guriga, dadka degaanka ayaa nagu soo wargeliyey dhacdada markii ay ciidanku tageen guriga qolka ayey ku bilaabeen iney jebiyaan si ay u badbaadiyeen hooyada hase ahaatee intii ay shaqadaas socotay ayuu KU bireeyey TOOREY halkaas ayey ku geeriyootay, qori caaradiis markii lagu garaacay ayuu ka kacay dusheeda oo uu fadhiyey” ayuu yiri taliyaha Booliska Kismaayo.

Waxaa uu intaas in ninkan laga keenay qurbaha si loo dhaqan celiyo, isagoo xusay inuu u muuqdo qof dhimirka looga jiro.

“Waxaa naloo sheegay in maalmahan oo dhan uu hooyadiis u hanjabayey isagoo leh waxaan soo ogaaday inaadan i dhalin, mar kalena waxyaabo kale u heysta” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray in ninkan ay soo taagi doonaan Maxkamad uuna heli doona waxa uu sharcigu go’aamiyo.

Arinta ayaa waxaa aad iyo aad ugu argagaxay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo si weyn u hadal haya dhacdadan foosha xun.

Ad
Previous articleMaamulka Gobalka Banaadir oo Amaro adag Soo Rogay Kadib Weerarkii Xeebta Liido
Next articleWAR DEG DEG AH: Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliland oo iscasilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here