Home wararka Dalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Jawaari oo Tagaya Dhuusomareeb Maxaa soo Kordhay’

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Jawaari oo Tagaya Dhuusomareeb Maxaa soo Kordhay’

0

Warar lagu kal soonaan karo oo laga helay Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna waljamaaca ee Gobolada Dhexe ee Dalka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu tagi doono Magaalada Dhuusamareeb oo hadda Xarun u ah Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna.

Wararka ayaa Tilmaamaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay halkaa u tagayaan sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Maamulka Ahlusunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada wax ka wada Qorshaha uu Guddoomiye Jawaari uu ku tagayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu wado Xildhibaan uu ka mid yahay C/samad Macalin Maxamuud oo ka soo jeeda Gobolada Dhexe.

Wararka intaasi Waxay kusii Darayaan in Dowlada Somalia Fulineysa Baaqa Ahlu-suna ee ahaa in Dowlada Marka Hore la Hadlaan kadibna Ay Galmudug la Fadhiisanayaan,

Waxaa lagu Wadaa Dhawaan in Jawaari uu la Kulmo Madaxda Maamulka Ahlu-suna ee Gobolada Dhexe Somalia Sida Wararka Tilmaamayaan,

Wixii ku Soo Kordha Lasoco

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here