Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Madaxweynaha Dalka Talyaaniga(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Madaxweynaha Dalka Talyaaniga(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soodhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf ka qaatay ilaalida Jamhuuriyadda.

Munaasabadda ku qabsoomtay qasriga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella waxa uu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal.

Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soodhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dalalka Caalamka.

Ad
Previous articleWararkii U Danbeeyay Dagaalka Laascaanood Oo Maalintii 4-Aad Oo Xiriir Ah kasocda Magaaladaas
Next articleIsimada Laasacanood oo shuruud adag ku xiray nabad-galyo ka dhaqan gasha Sool oo Maalintii 4aad Dagaal Kasocdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here