Home Wararka Maanta Maamulka Koonfur Galbeed oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo...

Maamulka Koonfur Galbeed oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baydhaba

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa saaka qaaday howlgal wadajir ah oo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab ku sugan aaggaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay howlgalka kusoo qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayna usoo bandhigi doonaan warbaahinta.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haata ka bilaabeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerar ay soo qaadeen Shabaab laga hortagay, kadibna xubna badan looga laayay aagga Baydhaba,.

“Tiro khawaarijta katirsaneed ayaa xaley lagu laayey Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo Kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan xaro Ciidanka Daraawishta Koofurgalbeed ay daganaayeen. Ciidanka oo kawarheley dhaqarta khawaarijta ayaa fashiliyey weerarka khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkan, waxayna sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga ay weerareen, ayna ku dileen ugu yaran 5 askari.

Sidoo kale waxa ay kooxda intaasi kusii dartay in hub iyo saanad milatari ay ka qaadatay xerada lagu dagaalamay oo ay daganaayeen ciidamada Koonfur Galbeed.

Marar badan ayaa labada dhinac sidaan oo kale waxa ay ugu dagaalameen aagga magaalada Baydhaba, maadaama ay go’doon ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ad
Previous articleDeni oo shaaciyey go’aanka DF ee ka qeyb-galka gogoshii ay dhigtay Puntland
Next articleHirShabeelle oo shaacisay cidda ka dambeysa dagaal beeleedka Xawaadle iyo Abgaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here