Home wararka Dalka Daawo Sawirada Qaabka Galmudug Maanta Looga Xusay Sanad Guuradii 72 aad ee...

Daawo Sawirada Qaabka Galmudug Maanta Looga Xusay Sanad Guuradii 72 aad ee Booliska Samaliyed’

0
SHARE

Magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta siweyn looga xusay 72 guurada ciidamada booliiska Somaaliyeed waxaana munaasibada kasoo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha wasiiro xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Inta ay socotay munaasibada ayaa ciidamada booliiska waxa ay madasha kusoo bandhigeen gaado kacayaar soo jiitay kasoo qeybgalayaasha munaasibada iyadoona ciidamada booliiska ay looga sheekeeyay taariiqdooda goobta.

Xusen Cumar Muumin Taliyaha ciidamada booliiska saldhiga Cadaado oo ugu horeyn kahadlay madasha ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay lafdhabar u yihiin amaanka dalka islamarkaana ay ka qeyb qaataan kahortagista qalalaasaha ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi dhankiisa ka hadlay munaasibada ayaa hambalyo u diray ciidamada booliiska Somaliyeed waxuuna sheegay in dowlad goboleedka Galmudug uu sanadka 2016 sare u qaadi doonaan tayada iyo qalabka ciidamada booliiska.

Munaasibadan lagu xusayay 72 guurada aas aaska ciidamada booliiska Somaliyeed ayaa ahneyd mid siweyn maanta looga xusay Cadaado iyadoona ciidamada booliiska Somaliyeed ay yihiin kuwa ugu faca weyn ciidamadeena qaranka Somaliya.

boolis1 boolis2 boolis3 boolis4 boolis5 boolis6 boolis7 boolis8 boolis9 boolis10 boolis11 boolis12 boolis13 boolis14 boolis15 boolis16 boolis17 boolis18 boolis19 boolis20 boolis21 boolis22 boolis23 boolis24 boolis25 boolis26 boolis27 boolis28 boolis29 boolis30 boolis31

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here