Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Gabar Itoobiyaan ah oo Dhuusamareeb lagu Dilay

Wararkii Ugu Danbeeyey Gabar Itoobiyaan ah oo Dhuusamareeb lagu Dilay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii lagu gowracay gabar Itoobiyaan ah oo kasoo jeedo qowmiyadda Oromada.

Nin mindi ku hubeysan ayaa lagu soo warramayaa  inuu gabadha ku dilay xaafadda Waxar-cadde ee magaaladaasi, kaas oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka dhimirka ah.

Guddoomiyaha xaafadda ay dhacdadu ka dhacday ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna u sheegay in gabadho ay shaqaale ahayd, isla markaana uu dilay ninka xanuunsan.

“Xalay abaare 8:30 habeenimo ayaa nin xoogaa xanuunsan wuxuu ku dilay gabar kamid ah dadkan Oromada ah oo usoo shaqo tegay deegaanada Galmudug, Gabadhu waxay ahayd shaqaalo muddo bil ah ayay cidda la joogtay” ayuu yiri guddoomiyaha xaafadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in si arxan darran uu ninka u dilay gabadha oo Muslimad ahayd, isla markaana uu dhowr jeer la dhacay tooreyda ama mindida.

“Dhacdadu waxay u dhacday mindida la yiraahdo minida carbi ayuu ku dilay, wuxuuna ku dhuftey dhorw jeer oo aan yareyn, gabadha maydkeeda waa qaadnay isbitaalka ayaan gaynay” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhacdan ay tahay wax ku cusub Dhuusamareeb, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay si dajiyaan.

“Waxaa ka rabaa bulshada inay is dajiso wuxu way dhaceen xag Ilaahey ayaa ka qornaayeen ka maamul ahaan iyo ka shacab ahaan aad ayaan uga xunahay falkaasi, waa arrin ugub nagu ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde.

Dhacdadan ayaa argagax ku reebtay shacabka ku dhaqan Dhuusareeb oo si weyn uga naxay falkaasi oo sidoo kale aad looga hadal haayo baraha bulshada ee Internet-ka.
Ad
Previous articleDibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland oo Muqdisho ka socda
Next articleQarax Culus oo Ka Dhacay Gudaha Magaalo ku Taal koonfurta Mudug oo Dhawaan Alshabaab laga Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here