Home Wararka Maanta Dhaliyaro Soomaali ah oo isku Laysay Dalka Holland iyo 4 Dhimatay

Dhaliyaro Soomaali ah oo isku Laysay Dalka Holland iyo 4 Dhimatay

0

Ururka Bulsho ee ka dhisan magaalada Utrecht ee waddanka Holland ayaa xalay kulan ballaaran ugu qabtay magaaladaasi mushtamaca Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan.

Kulankan, oo ahaa kii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee ay jaaliyadu isugu timaado, ayaa looga hadlayay xoojinta midnimada Soomaalida dhexdeeda iyo waxaana ka soo qeygalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi ku dhaqan.

Cabdullaahi Caabbi, Bootaan iyo Cali oo ka mid ah hormuudka ururka Bulsho, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in isu-imaatinkoodu  ka dhashay markii dhalinyaro Soomaali ah oo tiradooda gaareyso 4 ay is dileen.

“Waxaa hurdada naga soo kiciyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay, kuwaas oo ahaa dhacdooyin aad u xanuun badan, haddii aan nahay reer Utrecht waxaan iska wareysanay sidii aan isaga warqabi laheyn,” ayuu yiri Caabbi oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay, isaga oo ugu baaqay waalidiinta magaalada ku dhaqan in ay la soo xiriiraan ururka haddii ay u baahdaan in la caawiyo.

“Annagu waxaan diyaar u nahay inaan intii karaankeena ah qabano haddii waalidiintu nala soo xiriiraan, dhibaato kasta waxeey leedahay ka hortag, marka dhibku dhaco waxba kama qaban karno, waxaan se idiin balanqaadeynaa inaan idin ka caawino inta dhibaatooyinku cusub yihiin,” ayuu yiri Caabbi.

 

Ad
Previous articleDeni oo wajahaya culeyskii ugu xooggana ee siyaasadeed, iyada oo mucaaradka ay u direen digniin kama dambeys ah.
Next articleNin Soomaali ah oo 30 sano kaddib guri ku wareejiyay ninkii lahaa oo uu muddo raadinayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here