Home Wararka Maanta Maamulka Puntland Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Ansixinta Sharciga Maareynta Kaluumeysiga

Maamulka Puntland Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Ansixinta Sharciga Maareynta Kaluumeysiga

0

Puntland ayaa ka digtay in la ansixiyo Sharciga horumarinta iyo Maareynta Kaluumeysiga Soomaaliyeed, kaasoo qorshihiisa ay wado wasaarada Kaluumeysiga dowladda Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada Kaluumeysiga maamulka Puntland ayaa lagu sheegsy in sharcigan uu khilaafsan yahay heshiisyo hore loogu gaaray Baydhabo iyo Adis-Ababa oo ku aadanaa qeybsiga kheyraadka kaluumeysiga.

Wasaarada Kaluuneysiga Puntland oo sheegtay ineysn wax xiriir ah wada shaqeyneed la leheyn dowladda ayaa dhinaca kale ka digtay ineysan madaxda wasaarada Kaluumeysiga dowladda uga digeyso ineysan ku xadgudbin shuruucda dalka, ayna joojiyaan siyaasadeynta mashaariicda horumarineed ee dalka iyo ku tumashada xeerarka iyo shuruucda dalka.

Puntland ayaa dhinaca kale ku hanjabtay iney sida ugu dhaqsiyaha badan isugu yeereyso Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta kaluumeysiga, iyadoo heshiisyo gaar ah la saxiixaneyso.

Ad
Previous articleAyuub Cismaan Sheekh oo Horay uga Soo Goostay Alshabaab oo Xukun Adag Lagu Riday
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo AMIIR KA DOWLADA QATAR layeeshay Kulan Mira Dhal ah(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here