Home Wararka Maanta Sida ay Finland u xirtay xudduudo ay Soomaali kasoo gudbi jireen in...

Sida ay Finland u xirtay xudduudo ay Soomaali kasoo gudbi jireen in ka badan 30 sano

0

Finland ayaa xirtay afar ka mid ah xuduudaha ay la wadaagto Ruushka si ay isugu daydo in ay hakiso qulqulka magangalyo doonka ee ay sheegtay in Moscow ay soo jiheysay.

In kabadan 30 sano ayey Soomaalidu isticmaali jireen xuduudahan ay Finland xirtay ee loogasoo gudbo dhinaca Ruushka.

Helsinki waxa ay deriskeeda ku eedaysay in ay tahriibayaasha soo marineyso kannaalo ay kasoo galaan dalkeeda iyada oo kaga gol leh arrimo siyaasadeed.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Finland ay samaynayso “khalad weyn” ayna burburinayso xiriirka labada dal.

Ku dhawaad 300 oo magangalyo doon ah ayaa todobaadkan gaaray Finland, sida ay sheegeen ilaalada xuduudaha ee dalkaasi.

Ilaalada xudduudaha ee Finland ayaa sheegay in lagasoo bilaabo saqda dhexe ee jimcaha la saarin xannibaado soohdinta Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra iyo Niirala ee koonfur-bari ee Finland.

Soohdimahan ayaa lagu arkay muhaajiriin doonaya in ay sharci darro ku galaan dalkaas, iyagoo ay u badanyihiin muhaajiriin ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.

Mr Peskov ayaa yiri: “kaliya waa la qeexi karaa in mas’uuliyiinta Finland ay qaadeen dariiqa burburinta xiriirka laba geesoodka ah,” wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay.

“Ruushka taariikhda casriga ah waligiis uma hanjabin Finland, mana jirin wax sabab ah oo iska hor imaad dhalin karay. Hadda waxa ay doorteen waddadan. “Marka loo eego aragtidayada, tani waa qalad weyn” ayuu sii raaciyay.

Ad
Previous articleAlshabaab Kasoo Dagaalamay Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo Dhuusamareeb oo Maantay Maxkamad Lasoo taagay.
Next articleLataliyihii ajnabiga ahaa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo sheekadii qosolka lahayd ee uu ka qoray Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here