Home wararka Dalka Dhageyso-Ciidamo Gadooday Oo Waqooyiga Gaalkacyo Goobo Muhiim ah la wareegay & Xiisad...

Dhageyso-Ciidamo Gadooday Oo Waqooyiga Gaalkacyo Goobo Muhiim ah la wareegay & Xiisad taagan.

1

Ciidamo ka tirsan Kuwa Daraawiishta Gobolka Mudug gaar ahaan kuwa Fariisinka ku leh Deegaanka Godad ee Bariga Magaalada Gaalkacyo ayaa goordhawayd oo maanta ah iyagoo Gadoodsan la wareegay Xarumo muhiim ah oo Magaalada Gaalkacyo ku yaalla, waxaana haatan taagan Xiisad Magaalada laga dareemayo oo ka dhalatay Gadoodka Ciidamada.

Cabdinuur C/laahi Oo ah Taliyaha Ciidamada Gadooday ayaa Warbaahinta u sheegay inay Ciidamadu Xuquuqdoodii doonayaan, ayna hadda la wareegeen oo ku sugan yihiin Bank-giga Dowladda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Goobta Dhismuhu ka socdo ee laga dhisayo Madaxtooyada Cusub.

C/Nuur waxaa uu ku goodiyey in Ciidamadu ay gudaha u geli doonaan Goobahaas oo ay la bixi doonaan lacagta taalla haddii aysan Saacadaha soo socda wax jawaab ah ka helin dowladda Puntland, waxaana uu intaas ku daray in Ciidamada Muddo badan lasoo meer meerinayey oo aysan helin wax Mushaar ah.

Warar madax banaan oo uu Warsidaha Mudug24 helayo ayaa sheegaya in Ciidamada loo oggol yahay 3 (Seddex) Bilood oo Mushaar ah, halka ay iyagu doonayaan 7 (Todobo) Bilood oo Mushaar ah, balse C/nuur C/laahi ayaa sheegay in warkaas ay maqleen balse cid wax siisay aysan jirin weli.

cidan gadodsan

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here