Home Wararka Maanta Dawladda Soomaaliya oo ka doonaysa Tansaaniya in ay soo wareejiso maxaabiista Soomaalida...

Dawladda Soomaaliya oo ka doonaysa Tansaaniya in ay soo wareejiso maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran dalkeeda

0

Wafdiga Dawladda Soomaaliya ee ku sugan dalka Tansaaniya ayaa lagu wadaa in madaxda wadankaasi ay la galaan heshiisyo ay kamid yihiin sidii maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada Tansaaniya loogu wareejin lahaa Soomaaliya, iyo heshiisyo kale oo khuseeya warfaafinta iyo dalxiiska.

Wafdiga Dawladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay gaaray magaalada caasimadda ah ee Daaru-salaam, waxana halkaas beri uga bilaabanaya booqosho rasmi ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo si kooban uga hadlay safarka ay ku joogaan Daaru-salaam, ayaa sheegay in dhawr heshiis ay la gali doonaan Dawladda Tansaaniya.

‘’Waxa beri noo bilaabanaysa booqasho rasmi ah oo labada dawladdood ay ku kala saxiixanayaan heshiisyo sedex ah oo xukuumadda federaalka Soomaaliya khamiistii la soo dhaafay la marsiiyay, heshiisyadaas waxa kamid ah: heshiis dhanka warfaafinta ah, heshiis kale oo arimaha caddaaladda ku saabsan oo maxaabiista halkan ku xiran is waydaarsigooda,iyo heshiis guud oo wasaaradda arimaha dibadda ay saxiixayso,’’ ayuu yiri danjire Axmed Macalin Fiqi.

Ad
Previous articleXuutiyiinta Yemen oo markab kale ku weeraray xeebaha u dhow Soomaaliya iyo falcelin adag oo ay la kulmeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here