Home Wararka Somaliya Galmudug Amniga Degmada Caabudwaaq ee Galgaduud oo Faraha ka baxay

Amniga Degmada Caabudwaaq ee Galgaduud oo Faraha ka baxay

0

War kasoo baxay Guddoomiyaha Degmada Caabud-waaq Faarax Cabdille Xasan ayaa lagu sheegay in Degmada ay wajaheyso amni daro faraha kasii baxaya maalmahaan oo ay wadaan Ciidamo kale duwan oo aan ka amar qaadan Galmudug iyo mid Dhexe toona.

“Amniga magaalada Caabudwaaq faraha ayuu ka sii baxayaa maalmahaan, waxaa maagalada dhexdeeda lagu aruurinayaa Ciidamo kala duwan oo aan ka amar qaadan Dawlada Galmudug iyo midda dhexe toona.”

Wuxuu sheegay in uu socdo qorshe Ciidamo lagu uruurinayo, kuwaas oo iskugu jira kuwo hab qabiil u abaabulan iyo kuwo qaab jamhadeed u abaabulan, iyagoo garab ka helaya kuwa Puntland, kuwaa oo ku hawlan amni daro iyo qalqal galinta qaara kamid ah Dagmooyin ka tirsan Galmudug.

Sidoo kale, Wuxuu Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ugu baaqay in Degmada Caabud-waaq ay usoo diraan Ciidamo dheeraad ah oo suga amniga iyo xasilloonida halkaa.

“Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen-ka Galmudug waxaan ka codsaneynaa inney Magaalada Caabudwaaq soo diraan ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga iyo xasillooni magaalada, ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Faarax Cabdille Xasan.

Ad
Previous articleWasiir Dowlaha Arimaha Gudaha Galmudug oo Muqdisho Shir uga Qeyb galay.
Next articleGudoomiye cirro oo sheegay in cid gaar ah aan loo joojineen doorashada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here