Home Wararka caalamka Daawo Sawirada Guri kuyaala Muqdisho oo laga soo qabtay Hub, Waxyaabaha qarxa...

Daawo Sawirada Guri kuyaala Muqdisho oo laga soo qabtay Hub, Waxyaabaha qarxa iyo dad la tuhmayo,,,

0
SHARE

Howlgal gaar ah ay Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen guri kuyaala Degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo qabtay Hub, waxyaabaha qarxa oo la diyaarinayay iyo dad la tuhmayo in ay Shabaab katirsan yihiin.

Cutub katirsan ciidamada booliiska sida gaarka ah utababaran oo adeegsanayay eeyo loo tababaray urinta waxyaabaha qarxa, ayaa u dhacay guri kuyaala degmada Yaqshiid, waxa ayna halkaasi kasoo qabteen waxyaabaha qarxa oo gurigaasi lagu diyaarinayay iyo 11-qof oo la tuhmayo.

Taliye kuxigeenka booliska Soomaaliya Jan. Mukhtaar Afrax , ayaa sheegay in ciidanka booliiska ay hayeen xogta gurigaasi ayna ugu dambeyn ciidanka ku guuleesteen in ay gurigaasi galaan kana soo qabtaan waxyaabaha qarxa oo lagu diyaarinayay ,hub iyo 11-qof oo sadax kamid ah faraha kula jireen diyaarinta waxyaavaha qarxa.

Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa booliiska ayaa mudooyinkan ka waday Magalaada Muqdisho howlgalo gaar ah oo lagu xaqiijinay amaanka caasimada loogana hortago qaraxyda iyo dilalka qorsheesan ee mararka qaar ka dhaca Magalaada Muqdisho.

yaq_2 yaq_3 yaq_4 yaq_5 yaq_6 yaq_7 yaq_8 yaq_9 yaq_11 yaq_13 yaq_14 yaq_15 yaq_17

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here