Home Wararka caalamka Garbahaareey oo lagu Qabtay Banaanbax Looga Soo Horjeedo Maamulka Jubland iyo itoobiya,,,,

Garbahaareey oo lagu Qabtay Banaanbax Looga Soo Horjeedo Maamulka Jubland iyo itoobiya,,,,

0

Waxaa goordhaw Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo , ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday Maamulka Jubbalad iyo Ciidamada Dowlada Itoobiya ee jooga qeybo kamid ah Gobolka Gedo.

Banaanbaxa ay soo abaabuleen Maamulka Degmada Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb galay shacabka ku dhaqan Magaaladaasi, waxa ayna dibad baxayaasha ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya iyo Maamulka Jubbaland.

Shacabka Banaanbaxa dhigayay ayaa sidoo kale kasoo horjeestay maamulka cusub ee Gobolka Gedo uu dhawaan u magacaabay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Masuul katirsan Maamulka Degmada Garbahaarey ayaa Warbaahinta u sheegay in dibad baxa maanta dhacay looga soo horjeeday Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo maamulka cusub ee Sheekh Axmed Madoobe u magaacabay Goboka Gedo.

Banaanbaxa ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho shalay si qasab ah lagu keenay siyaasiyiin iyo masuuliyiin katirsanaa Maamulka Gedo, kuwaa uu amray in Gobolkaasi laga saaro Hogaamiyaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here