canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Sooyaalka Dilalka Dadka Rayidka ah ay u Geysato AMISOM 2014/2015 | Mudug 24 online
radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Sooyaalka Dilalka Dadka Rayidka ah ay u Geysato AMISOM 2014/2015

Ciidamada nabad illaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ee xarunta Shabeelada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay toogasho ku dileen dad ka badan 10 qof oo rayid ah, arrintanina waa mid soo laalaabatay magaaladani oo ay ku suganyihiin ciidamo ka socda dalka Burundi.

Haddaba Goobjoog News ayaa halkani kusoo koobaysa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ciidamada AMISOM ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah labadii sano ee lasoo dhaafay.

January 28, 2014: Xili barqo ah oo saacadu ay tahay abaaro 9:00 subaxnimo ayey Ciidanka AMISOM oo gaari qafilan ku jooga, si xowli ahna ku socda ay jiireen nin lagu magacaabo Saalax Nuur Maxamed, ninkan ayey ku jiireen Wadada Maka Al-Mukarama, waxa uu ahaa tagsiile, isaga oo ifka oga tagay 9 Caruur ah(3 wiil iyo 6 Gabdhood), isla goobtii uu gaariga ku jiirey ayuu ku qur baxay ninka kadib markii maskaxdiisa ay dhulka ku daadatay.

April 18, 2014: Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Magaalada Marka ay Dad Shacab ah ku laayeen, kadib markii Qaraxa loo dhigay dartii ay rasaas dhankasta u rideen.

Guddoomiyaha degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rasaasta ay fureencCiidamada AMISOM ay Dishay ugu yaraan labo ruux, 5 kalena ay dhaawacday.

September 18, 2014: Mid ka mid ah gawaarida ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa qof shacab ah ku jiiray is goyska Foloransa ee degmada warta Nabadda, muqdisho, qofka uu jiiray gaariga dagaalka ee AMISOM ayaa ahaa canug 10 jir ah kaas oo goobta marayey.

November 3, 2014: Warar ay Goobjoog News ka heshay xaafadda Dabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey, Muqdisho ayaa waxay sheegeen in gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM uu dad shacab ah ku jiiray halkaasi.

Shan qof ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadka dhaawacmay ay laba ka mid ah ahaayeen haween halkaasi Khaat ku iibinaayay, halka sedaxda kalena yihiin dhalinyaro goobta ku sugnaa.

December 12/2014: Ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Marko ayaa qof rayid ah ku toogtay bartamaha degmadaas, saddex kalena ku dhaawacay rasaas ay fureen, kaddib markii lagu weeraray bam-gacmeed.

Qofka ay ciidanka AMISOM toogteen iyo saddex kale ee ay dhaawaceen ayaa ahaa rayid.

December 16, 2014: Warar laga helay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayey in maalintaas ciidamada AMISOM si bareer ah u laayeen dad shacab ah.

Kooxo hubeysan ayaa bam gacmeed ku qarxiyeen ciidamada AMISOM kadibna ciidanka AMISOM rasaas ayey dhan walba u fureen, iyagoo halkaas ku diley dad rayid ah , 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen rasaasta AMISOM.

Dhinaca kale, Ciidamada AMISOM ayaa bartamaha Magaalada waxay ku toogteen nin dhalinyaro ah oo ay ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen qaraxa kadib iyagoo ku eedeeyeen inuu ahaa shaqsigii banbada tuurey.

January 28, 2015: Sida sheegeen dad ku sugnaa Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho mid kamid ah gaadiidka AMISOM ayaa wuxuu dulmaray qof shacab ah oo ku sugnaa Isgoyskaasi.

Gaarigaan oo ka yimid dhanka Garoonka Muqdisho, ayaa wuxuu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo AMISOM ay wateen.

mudug24

Markii uu qofkaasi dar-daray gaariga ayaa durba uu meesha ka dhaqaaqay isaga oo aan u istaagin falkii uu geystay. Qofka ayaa markiiba geeriyoodey.

January 29, 2015: Sadex askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa maanlintaas lagu xiray Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay burbur u geysteen laba gaari oo midkood uu hoomeey yahay, halka midka kalana uu ahaa nooca raaxada. Labada gaari oo ku sugnaa aagga Isgoyska Zoope.

April 10, 2015: Mid kamid ah gawaarida ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa maalintaas wiil yar oo Da’diisa lagu qiyaasay 10 Sano jir waxaa uu ku jiireen agagaarka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Ee Degmada Boondheere, waxaana la sheegay in gaarigii falkaasi geystay  uu iskaga dhaqaaqay goobta.

Wiilka uu jiiray gaariga ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa dhaawac culus waxaa uu ka soo gaaray madaxa, waxaana la dhigay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.

July 11, 2015: Ciidanka AMISOM ayaa si aan kala sooc laheyn dad badan ku laayey magaalada Marka gaar ahaan xaafadaha Beyturaas iyo Jujuumo ee Degmadaasi.

Sidoo kale waxa jira dad AMISOM ay ku dishay Suuqweynaha Wajeer oo ay rasaas la dhacday dhalinyaro ku jiray goob tima jaraha ah, waxaa halkaasi ku geeriyooday wiilkii tima jaraha ahaa iyo wiil kale oo tinta markaasi loo jarayey.

Dadka Deegaanka oo argagax ka muuqdo ayaa ka barakacay guud ahaanba xaafadaha ay AMISOM beegsaneyso.

Tirada la dilay maalintaas ayaa gaartay in ka badan 13 ruux, waa inta indhaha la saaray ilaa 6 ruux oo dadkaasi ka mid ah ayaa jirkooda waxaa ku yaala rasaas.

Waxaa kalo jira dad kale oo xaafadaha ay ku dishay AMISOM oo aan loo tagi karin.

Isbitaalka Guud ee Degamada Marka ayaa la gaarsiiyey ku dhawaad 20 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kal-kaaliyayaal ku sugan isbitaalka ayaa sheegaya in dhawacyada la keenay isbitaalka aanu ku filneyn. maadamaa isbitaalka aanu lahayn dhakhtar iyo daween ku filan midna.

July 21, 2015: Ciidamada AMISOM ayaa ku dilay xaafado ku yaalo Magaalada Marka dad rayid ah kadib markii ay ugu galeen guryahooda iyo goobaha shaqo, Agaasimaha Cusbitaalka Marka ayaa Goobjoog News u sheegay in 18 dhimatay iyo 5 kale oo dhaawac ah ay tahay Khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray ciidamada AMISOM dadka ay AMISOM dishay waxaa ku jiray Beeraley iyo Haween.

Xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa Goobjoog News u sheegay in arinta AMISOM geysatay ay tahay xadgudub, isagoo intaa raaciyay in tacadiyada AMISOM la horgeyn doono gudiyada Difaaca, adeega bulshada iyo xuquuqul Insaanka ee baarlamaanka si dadkii khasaaraha soo gaartay magdhaw u helaan.

Dhanka kale midowga bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda in lala xisaabtamo AMISOM.

July 21, 2015: Ciidamada AMISOM oo qof rayid ah ku dishay, qof kale oo rayid ahna ku dhaawacay deegaanka Suuqa Xoolaha.

By Wariye Bashiir Ahmed Soofe

Mudug24.net

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Dhageyso Hadalkii Raisal Wasaare Xasan kheyre uu ka hor jeediyay Barlamaanka ansaxinta kadib…
- Mar 29, 2017
R/wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku ammaanay Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida geesinimada leh ...
Sawiro Dhaarinta Golaha Wasiirada Cusub ee maanta la dhaariyay iyo qaabka ay u dhacday…
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw lagu dhaariyay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ...
Deg Deg Barlamaanka Somaliya oo Codka Kalsoonida siiyay Wasiirada Cusub…
- Mar 29, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ...
Dhageyso Duqa Degmada Gaalkacyo ee Dhanka Waqooyi oo ku dhawaaqay in Wadooyinka Fureen…
- Mar 29, 2017
shir jaraa.id uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo dhankeeda waqooyi duqa Dugamada Gaalkacyo ayaa sheegay ...
Maxay Tahay Sababta Mareykanka iyo Xulafadiisa ay uga baqayaan Dagaalka Kuuriyada Waqooyi ee xiligan,,,
- Mar 29, 2017
Dalka mareykanka iyo xulafadiisa ayaa dhoor jeer ku celiyay halista Kuuriyada Waqooyi ee ku ...
Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo markale ku Xifaaltamaya Doorasho kale…
- Mar 29, 2017
labada siyaasi ee Galmudug kasoo jeeda Axmed Maalin Fiqi iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf ...
Sawiro Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee Dalka Jordan…
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada ...
Roobab ka Curtay Qeybo kamid ah Koonfurta Galbeed ee Somaliya…
- Mar 29, 2017
Wararka naga soo gaaraya degaano dhowr ah oo hoos yimaada gobolada Baay iyo Bakool ...
Raisal Wasaaraha Britain oo Saxiixday Waqadihii ay Uk uga baxayeen Midowga Yurub…
- Mar 29, 2017
Ra'isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa saxeexday warqaddii sida rasmiga ah UK ay ugaga ...
Waa imisa Tirada Xildhibaanada taageersan Golaha Wasiirada Cusub ee Maanta…
- Mar 29, 2017
Golaha Wasiirada DF Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta la horgeeyo barlamaanka Soomaaliya,  waxaana ...
Dhageyso Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble oo Xiriirka Dowlada Dhexe shaki galiyay…
- Mar 29, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo maanta shir jaraa’di ku qabtay Magaalada Beledweyne ...
Sawiro Axmed Macalin Fiqi oo isku soo Sharaxay Madaxweynaha Galmudug isagoo sheegay,,,
- Mar 29, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Dowlada Somalia ayaa isku soo sharaxay ...
Deg Deg Gudoomiyaasha Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland oo isku imaanaya si ay u furaan…
- Mar 29, 2017
waxaa la filayaa in ay isku yimaadaan Labada Gudoomiye ee Maamulada Waqooyiga iyo Koonfurta ...
Nin Toorey la Gali rabay Xaruunta Barlamaanka Dalka Tunisia oo la xiray,,
- Mar 29, 2017
nin dhalinyaro ah oo ku hubeysan Toorey ama Mindi ayaa la xiray kadib markii ...
Dowlada Austria oo Sheegtay in ay Rabto Hanaan ay kaga Gudbeyso Jadwalka u dagsan Qaabilaada Qaxootiga ee Yurub,,,
- Mar 29, 2017
Dowlada Dalka Austria ayaa dooneysa in ay hesho qaab ay kaga gudbeyso qaabilaada Qaxootiga ...

Facebook/Twitter

----------------------------------------------------------------------------- ============================================

ad


%d bloggers like this: