Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Guri Kuyaala Muqdisho oo La Qarxiyay

Wararkii Ugu Danbeeyey Guri Kuyaala Muqdisho oo La Qarxiyay

0

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray guri ku yaalla Waaxda Kacaan ee degmadaasi, kadibna la qarxiyay.

Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga, balse waxaa la sheegay in xilliga la qarxinayay uu ka maqnaa,

Ma jiro wax khasaare ah oo nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha guriga lala bartilmaadeedsaday miinada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe goota gaaray, kuwaas oo howlgallo sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen qaraxaasi.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda.

Waxaa qaraxan ka horreey mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay degmada Yaaqshiid, kaas oo isna lagu xiray Farmashiye ku yaalla gudaha degmadaasi.

Sababta loo beegsaday goobtaas caafimaad ayaa waxa lagu sheegay in lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa beegsada xarumaha ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ay isku qabtaan lacagaha baadda ah.

Weerarada noocaan oo kale ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo kordhayay caasimada, waxaana horay sidaan oo kale loo beegsaday xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

 

Ad
Previous articleLaftagareen iyo Xildhibaanada Laga soo Doorto koonfurgalbeed oo Hal arin Isku raacay
Next articleP.M Xamza oo ku wajahan Kismaayo iyo Xog laga helay Ujeedka Safarkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here