Home puntland Sooyaalkii Dhera ee Mamul u Samynta Gobalada Dhexe

Sooyaalkii Dhera ee Mamul u Samynta Gobalada Dhexe

0

Heerar kala duwan ayuu soo maray shirka maamul  u sameynta Gobolada dhexe ee haatan ka furmay Cadaado.

mudug24 waxaa ay diiwaan galisay Sooyaalka Maamul u sameynta shirka gobolada dhexe tan iyo markii lagu dhawaaqay in maamul loo sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

July 30, 2014 ayaa qalinka lagu duugay heshiiskii ugu horeeyey oo biloow u ahaa arrimaha maamul u sameynta gobolada dhexe, waxaana heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada wada saxiixday maamulka Galmudug, Ahlu Sunnah, Ximan iyo Xeeb iyo waliba dowladda federaalka, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen ergada beesha caalamka.

Dadka heshiiska saxiixey waxay kala ahaayeen :

1.      Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid : Galmudug

2.      Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye : Ahlu Sunna Wal Jamaaca

3.      Cabdullaahi Maxamed Cali Baarleex : Ximan iyo Xeeb

4.      Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow : Dowladda

5.      Ducaale Aadan Maxamed : Dowladda

6.      Axmed Cali Salaad Taako : Dowladda

7.      Mahad Axmed Salaad : Dowladda

Dammaanad-qaade: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodox Barre

Sidoo kale xukuumadda waxa ay saartay guddi wasiiro ah oo yeesha hoggaaminta dhismaha maamulkani, waxayna kala yihiin sida soo socota

1.       Cabdullaahi Goodax Barre : Wasiirka arrimaha Gudaha

2.       Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow : Wasiirka Warfaafinta

3.       Ducaale Adan Maxamed : Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare

4.       Mahad Maxamed Salaad : Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada

5.       Axmed Cali Salaad : Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

Waxaa heshiiska Goobjoogayaal ka ahaa ergo ka socotey beesha caalamka:

1.       Safiir Michele Cervone :  Ergeyga Gaarka ah ee Midowgo Yurub

2.       Sefiir Maxamed Cabdi Affey : Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD

3.       Sefiir Nicholes Key : Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramoda Midoobay

4.       Merwo Lydie Wenyoto Mutende : Sii hayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika.

August  26, 2014: Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka ee Soomaaliya ayaa  ku dhawaaqday Gudi Farsamo oo ka kooban 27 Xubnood, kuwaasi oo loo xilsaaray Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, ee Galgaduud & Mudug.

Maamulka la samaynayo waxaa isku afgartay Ximan & Xeeb, Galmudug, Ahlu Sunna & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, balse waxaa diidan Puntland.

Liiska Magacyada Gudiga Farsamo ee dhisaya Maamulka Gobolada Dhexe:

01. Cismaan Ciise Nuur

02. Xaliima Ismaaciil Ibraahim

03. Daahir Xasan Guutaale

04. Cabdi Faarax Jaamac

05. Dr. Khaliif Xirsi Cali

06. Iimaan Xasan Jiiroow

07. Daahir Wehliye Siyaad

08. Maryan Cabdi Geeddi

09. Cabdullaahi Cabdi Cabdulle

10. Maxamed Axmed Maxamuud

11. Cabdullaahi Maalin Gaafow

12. Axmed Dubad Cali

13. Cumar Maxamuud Mahad-Alle

14. Cabdiraxmaan Maxamuud Macalin.

15. Cumar Cali Rooble

16. Maxamuud Aadan Cusmaan

17. Cabdullaahi Muuse Maxamed

18. Maxamed Xaashi Cabdi (Garabey)

19. Cabdi Daahir Maxamed Xareed

20. Durraan Cali Farey

21. Farxiyo Afweyne Sheekh –doon

22. Xareed Cali Xareed

23. C/nuur Macali Maxamuud

24. Cowke Xaaji Cabdiraxmaan

25. Khadiijo Cadaan Cusmaan

26. Juneyd Ismaaciil Cigalle

27. Cabdullaahi Xuseen Cal

November 27, 2014: Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa shaaciyay inuu yahay murashax u tartamaya xilka, sidaa waxaa uu ku noqday Murashaxii ugu horeeyay ee isu soo taago maamulka gobolada dhexe.

December 4, 2014 | Gudiga Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe oo Ansixiyey Xeer Hoosaadkooda

Warar ay heshay Goobjoog ayaa waxa ay sheegayeen  in gudiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada dhexe ay ansixiyeen xeer hoosaadkii ay ku shaqeyn lahaayeen, xili hawlihii maamul u sameynta la dardar galinayo.

December 12, 2014: War-Murtiyeed ay soo saareen Gudiga Farsamo ee Maamul U Sameynta Gobalada Dhexe Ee Soomaalia

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo xiray siminaar loo qabtay gudiga farsamo ee maamul u sameynta gobalada Mudugu iyo Galguduud, waxaana xafladii xiritaanka Siminaarka laga soo saaray war-murtiyeed qodoba badan ka kooban.

December 25, 2014: Gudiyada Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe oo La Dhameystirey,  Waxaa la magacaabay dhamaan gudiyadii maamul u sameynta Gobolada Dhexe, iyada oo la magacaabay guddoomiyeyaasha gudiyadaasi. Gudiyada ayaa diyaar u ah in ay tagaan madasha shirka lagu qabanayo.

Gudiyada iyo guddoomiyeyaashooda ayaa kala ah sidan soo socota

  1. Guddoomiyaha Gudiga Maamul u sameynta Gobolada Dhexe : Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
  2. Guddoomiyaha Gudiga Dastuur u sameynta maamulka : Cabdinuur Macalin Maxamuud
  3. Guddoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta, Xalinta Khilaafaadka, iyo Xulista Ergada : Sheekh Cumar Maxamuud Mahad
  4. Guddoomiyaha Gudiga Sahay Siinta , Dajinta Ergooyinka iyo Marti Sharafta : Daahir Xasan Guutaale
  5. Guddoomiyaha Gudiga Amniga , Anshaxa iyo Kormeerka : Cuuke Xaaji Cabdiraxmaan
  6. Guddoomiyaha Gudiga Abaabulka iyo Wacyigalinta : Cabdullaahi Cabdi Cabdulle

December 28, 2014: Axmed Macalin Fiqi oo Ololohiisa Doorashada Ka Bilaabay Gobolada Dhexe, Kana Degay Cadaado

Axmed Macalin Fiqi oo ah murashax u taagan madaxweynimada maamulka gobolada dhexe ee dhawaan lagu wado in halkaasi  laga dhiso ayaa ka degay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.

January 12, 2015: Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo  ayaa waxaa uu si Cad uga Soo Horjeestay Hadalkii kasoo Yeeray Gudiga Maamul u Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud Ee Ku Aadanaay in shirka Maamul sameynta Lagu Qabanaayo  Mgaaalada Cadaado Ee Haatan Xarunta u ah Maamulka Ximin  iyo Xeeb.

Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi ay mudan tahay in lagu Qabto Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud  waxuuna Carabka ku adkeyay in ayna Marnaba Aqbaleynin in shirkaasi lagu Qabto Magaalada Cadaado.

January 14, 2015: Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Duubabka Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Culumaau diinka Beelaha Dir (Sure), Sade (Mareexaan) Murusade, Waceysle, Ceyr, Duduble, Saruur iyo Shiikhaal ayaa Gogol Dib u Heshiisiineed ugu baaqay Beelaha kale ee la daga Mudug iyo Galgaduud.

Sideedaas Beelood waxay Dood-dheer iyo Falanqeyn kadib ay go’aansadeen in Gogosha Dib u Heshiisiinta la dhigo Caasimada Gobalka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

February 7, 2015: Guddiga Farsamada Gobolada Dhexe oo Gaaray Dhuusamareeb

Wafti ka socda guddiga farsamada maamul u samaynta gobolada Dhexe oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka guddiga Maxamed Cabdi Xaashi ayaa gaaray shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Mudane Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in ay Dhuusamareeb u tageen “In aan aragno, kana qeybqaadanayo bulshada halkan dib u heshiisiin ah isugu yimid, waanan ka qeybqadanaynaa wixii karaamkeena ah”.

February 10, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuuso-Mareeb, isagoo dadkii uu la kulmay kala hadlay shirka dib-u-heshiisiinta Dhuuso-Mareeb iyo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee March 1-deeda ka furmaya Cadaado.

February 16, 2015: Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ka furantahay gogol dib u heshiisiineed oo beelaha ah.

March 5, 2015: iyadoo uu dib u dhac ku yimid Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa soo baxaya Khilaaf soo kale dhexgalay Gudiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Madaxa Amniga Gudiga Farsamada Ee Maamul u sameynta  Gobolada dhexe Cuuke Xaaji Cabdirixmaan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dib u dhac ku yimid Shirka uu Mas’uuliyadeeda qaadayo Gudoomiyaha Gudiga Farsamada,kaas oo uu sheegay in uu Carqaladeynayo Qabsoomida Shirkaasi.

March 7, 2015: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiir dowlaha xafiiska R.W, Wasiiru dowlaha Amniga,

xubno kamid Baarlamanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada dhexe ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur masuuliyiinta gobolka Galgaduud iyo dadweyne faro badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo galbiyay xarunta uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Gobollada dhexe halkaas oo uu kulamo kula qaatay ergadii ka qayb galaysay shirka iyo maamulka Gobolka.

March 7, 2015: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto shirka dib u heshiisiinta ka socda Dhuusa Mareeb. Mr Odawaa ayaa tilmaamay in wasaaradda Arrimaha Gudaha ay xil weyn iska saareyso sidii loo dhisi lahaa Maamulka Gobolada Dhexe, isla markaana loo dedejin lahaa.

March 23, 2015: Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa ka warbixiyay halka uu marayo qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo qorshuhu yahay in dhowaan uu ka furmo magaalada Cadaado.

C/llaahi Cali Maxamed ayaa sheegay in shirka Cadaado ka dhacaya aanu aheyn mid la isku heysto oo is-jiid jiid ka jira, waxaana uu xusay in waxyaabo uga qabsoomay qaban qaabada shirka iyo marti gelintiisa.

March 23, 2015: Gudiga Shirka Dhuuso Mareeb oo gabagabdii shirka soo saaray in Shirki Maamul u sameynta Gobolada dhexe lagu qabto magaalada Dhuuso Mareeb taas oo ka duwan go’aankii dowladda oo ahaa in Shirka ka dhaco Cadaado.

Go’aanada ayaa waxaa ka mid ah qodobada soo socda:

  • La Tixgalinayo rabitaanka beelaha shirka kasoo qeybgalay
  • Laga taxadarayo kala go’ ku yimaada labada shir
  • Sidoo kale la tixgalinayo go’aanadii hore ee beelaha oo ahayd in meesha shirka lagu qabanayo ay ku timaado rabitaanka beelaha.
  • La dhawrayo go’aanadii hore ay duubabka u gaareen.
  • La tixgalinayo ku haboonaanshaha madasha shirka marka laga eegayo xagga amniga maadaamaa ay joogaan ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka , sidoo kale laga eego dhanka dhexdhexaadnimada madasha, iyo waliba diyaarsanaanta adeegyadii shirka lagu martigalin lahaa, iyo waliba xagga isdhexgalka sida joogitaanka beelihii ay ahayd in ay maamulka samaystaan .

March 24, 2015: Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu so dhaweeyay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wafdiga madaxweynaha ayaahalkaas ka bilaabay dardar-gelinta qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe, xilli  guddiga shirka hormuudka ah u ah ay go’aamiyeen in shirka dhismaha maamulka lagu qabto Dhuuso-mareeb, halkii horay loo qorsheeyay in lagu qabto degmada Cadaado.

March 26, 2015: Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo kusoo laabtay Magaalada Muqdishu kadib markii labo habeen seexdeen magaalada Dhuuso Mareeb, Madaxeynaha ayaa ku guuldareystay in odayaasha Dhuuso Mareeb uu ku qanciyo in shirka maamul u sameynta lagu qabto Magaalada Cadaado.

March 27, 2015: Nabadoon Yuusuf Warsamed Ducaale oo ka mid ah odayaashii degmada Dhuuso-mareeb kula kulmay madaxweyne Xasan ayaa sheegay in odayaasha ku sugan xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb ay ku kala aragti duwan yihiin halka lagu qabanayo shirka dhismaha mamulka gobollada dhexe.

“Odayaasha ku sugan Galguduud way ku kala jaban yihiin meesha lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka Mudug iyo Galguduud lagu qabanayo. Waxgaradka qaarkood ayaa qaba in lagu qabto shirka Dhuuso-mareeb, halka kuwo kalena ay doonayaan in Cadaado lagu qabto,” ayuu yiri Nabadoon Yuusuf.

Sidoo kale, nabadoonka ayaa xusay in arrinta ku saabsan degmad lagu qabanayo shirka ay caqabad weyn noqotay; isla markaana madaxweynaha iyo ergooyinkii uu la kulmay ay isku af-garan waayeen oo ay ku kala tageen.

March 28, 2015: Waxaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, wuxuuna sheegey in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe uu halkaasi ka furmayo maalmo gudahood

March 28, 2015: Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud halkii uu go’aamiyo lagu qaban doono shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Nabdoonka oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in Madaxweynaha uu raadinayo sidii ay isugu tanaasuli lahaayeen Odayaasha dhaqanka ee gobalada Mudug iyo Galgaduud, isaga oo dhinaca kale tilmaamay in madaxweynaha uu ku laaban doono degmada Dhuusamareeb.

March 29, 2015: Nabadoon Yuusuf Warsame oo ka mid ah waxgaradka ku sugan degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in weli uu taagan yahay codsigoodii ahaa in degmadaasi lagu qabto shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in dowladda ay tahay midda kaliya ee dalka ka jirta, iyaguna aanay amar ku lahayn, balse ay wadaan codsi.

March 31, 2015: Afhayeenka Guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe Sheekh Cumar Cali Rooble oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in shirka maamul u sameynta uu qabsoomayo xiligii loogu talogalay, kana dhacayo meeshii loogu talogalay.

 

April 8, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud isagoo sheegay in Caasimadda Maamulka Gobolada dhexe noqon doonto DhuusoMarabeeb.

 

April 8, 2015:Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa sharci dari ku tilmaamay go’aankii madaxweynaha ee maanta uu shaaciyey oo ahaa in xarunta maamulka gobolada dhexe ay noqon doonto magaalada Dhuusamareeb.

 

April 9, 2015: Ilo ku sugan Galgaduud ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in Ciidamo ka socda Amisom ay gaareen Magaalada Cadaado halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe, Ciidamada Amisom ayaa saldhig ka dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maalin ka hor  ku sheegay Khudbad uu u jeediyay dad uu kula hadlayey caasimadda Galgaduud ee Dhuusomareeb in Shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe uu ka furmayo Cadaado, Caasimaddana noqon doonto Dhuusomareeb.

April 11, 2015: Wasiirka  Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa  iyo wafdi  uu hogaminayo ayaa gaaray Cadaado

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaaa ayaa kulamo la qaatay Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale iyo Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed, waxaana markii uu kulanka soo idlaaday kaddib ay si wada jir ah saxaafadda ula hadleen.

April 11, 2015: Wasiirka arimaha gudaha ayaa ku dhawaaqay in arbacada uu furmayo shirka Maamul u sameynta gobolada dhexe, shirka ayaa ka furmi doona Cadaado.

April 14, 2015: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, ka dib markii uu ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hogaaminayay madaxweynaha waxaa magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Arimaha Gudaha, waxgarad iyo shacab farabadan, iyadoo loo galbiyay madaxtooyada maamulka Ximan iyo Xeeb.

April 15, 2015: Wafti uu horkacayo Wasiirka qorsheynta Cabdiraxman Ceynte uuna ka mid yahay Ergayga Qaramada Midoobey N. Key ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

April 15, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka furay magaalada Cadaado Shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, waxaana ka qeyb galay munaasabadda furitaanka Mas’uuliyiin aad u badan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here