Home Wararka Maanta Alshabab oo weerar Dad badan lagu Dilay Ku Qaaday Dalka Kenya

Alshabab oo weerar Dad badan lagu Dilay Ku Qaaday Dalka Kenya

0

Dagaalyahano hubeesan oo loo maleenayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Widhu oo hoos taga Magaalo Xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarkan dableyda hubeesan fuliyeen ayaa la sheegay in lagu dilay ilaa lix qof oo ku sugnaa deegaanka Widhu, dadka la dilay qaarkood ayaa la sheegay in la gubay halka kuwa kalana la gowracay.

Booliiska Kenya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dableyda hubeesan dad shacab ah dileen sidoo kale gubeen guryo kuyaala deegaanka ay weerarka ka fuliyeen, waxa ayna booliiska xuseen in dableyda weerarka fulisay katirsan yihiin Al Shabaab.

Ciidamada amaanka dalka Kenya oo gaaray deegaanka weerarku ka dhacay ayaa halkaasi ka bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan dableydii ka dambeesay weerarka dadka badan lagu dilay ee ka dhacay Lamu.

Al Shabaab ayaana wali ka hadlin weerarkan ka dhacay dalka Kenya ee lagu eedeeyay, waxaana Al Shabaab horey weeraro badan oo khasaaro kala duwan dhaliyay ka geesteen gudaha Kenya gaar ahana dhul xeebeedka Lamu.

Ad
Previous articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo ka Furmay Magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo ka qayb gaalaaya(Sawiro)
Next articleHey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Soo bandhigtay Adeega loo Qabto Muwadiniinta Ajaanibta ee Kasoo Daga Gooraanka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here