Home Wararka Maanta Madaxweyne Xassan Shiikh la kulmay lWasiirada Maaliyada dowlad goboleedyada oo aan Puntland...

Madaxweyne Xassan Shiikh la kulmay lWasiirada Maaliyada dowlad goboleedyada oo aan Puntland Ku jirin(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada isagoo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka.

Dhankooda, Wasiirada ayaa soo dhaweeyay howlgalada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Waxaa kulanka ka soo qeybgalay, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka mudane Elmi Maxmuud Nuur, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda K. Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir.

Ad
Previous articleWasaarada Caafmaadka Soomaaliya oo Amartayna in La joojiyo Isticmaalka Laba Sharoobo oo dadka Soomaaliyeed aad uisticmaaalaan
Next articleIn ka badan 100 askari oo Ruush ah oo laga dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here