Home Wararka Maanta Al-shabaab oo shan qof ku dilay gudaha Kenya

Al-shabaab oo shan qof ku dilay gudaha Kenya

0

Shan qof ayaa la dilay Axadii kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen laba tuulo oo ka tirsan degmada Lamu ee Koonfur Bari Kenya, sida ay booliisku sheegeen.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale gubay guryo iyo hanti kale oo ay burburiyeen.

Booliisku waxay dhacdada ku tilmaameen “Weerar Argagixiso” oo ay ku soo qadday Al-shabaab.

Lamu, ayaa ku dhow xudduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana inta badan ay maleeshiyada Al Shabaab weeraro ka geystaan degaankaasi, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu cadaadinayo Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, halkaasoo ay qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah ee difaacaya dowladda dhexe.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Laba Beel oo Walaalo ah Ku Dhexmaray Galmudug
Next articleAl Shabaab oo si adag uga hadashay Duqeymo khasaaro geestay oo Jubbooyinka ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here