Home Wararka Maanta War cusub oo ka soo kordhay duulimaadyadii la xanibay ee Gedo iyo...

War cusub oo ka soo kordhay duulimaadyadii la xanibay ee Gedo iyo Muqdisho

0

Duulimaadyada Magaalada Muqdisho iyo gobolka Gedo ayaa maanta si kmg ah dib ugu bilowday kaddib markii muddo ka badan toddobaad ay xayiraad saarnayd.

Ilaa saddex duulimaad ayaa maanta ka kacay garoonka Doolow iyadoo ay saddex kalana tageen, berri ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Garbahaarrey ay tagaan duulimaadyo kale.

In kabadan toddobaad ayey duulimaadyadu hakad ku jireen, iyadoo dadka maanta ka duulay gobolka gedo ay u badnaayeen dad xujey ahaa oo ku xayirnaa gobolka iyo dad xanuunsanaa oo Muqdisho lagu soo daweynayo.

Maamulka ka taliya inta badan degmooyinka gobolkaas ayaa sheegay in markii hore ay diideen shakhsiyaad ay sheegeen in laga soo diray magaalada Kismaayo balse markii dambe uu arrrinta soo faro geliyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka.

Ad
Previous articleP.M Xamze Cabdi Barre oo Maantay Bilaabay Isla Xisaabtan uu ki Wasmaynaayo Wasiiradiisa(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Qarax Ka Dhacay Shiirkole iyo Madax Ku dhimatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here