Home Wararka caalamka Saldhigyo Al-shabaab Ku Lahaayeen Gobalka Baay oo Duqeymo loo Geestay..Faafaahin…

Saldhigyo Al-shabaab Ku Lahaayeen Gobalka Baay oo Duqeymo loo Geestay..Faafaahin…

0

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii shalay ahayd waxa ay duqeyn xoogan ka geysteen degmo ka mid ah gobalka Baay.

 

 

Wakaaladda Wararka Anadolu ee laga leeyahay dalka Turkiga oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka mid ah maamulka gobalka Bay ayaa sheegtay in duqeyntaan laga fuliyay Xero Ciidan oo ay Al-shabaab ciidamada ku tababaraan iyo sidoo kale Laba Guri kuwaa oo ku yaallay degmada Diinsoor ee gobalkaasi.

 

 

Wakaaladda ayaa sheegtay in halkaasi lagu dilay hogaamiye sare oo ka mid ah Al-shabaab, kaas oo ilaa iyo xilligaan magaciisa aan la shaacin iyo sidoo kale waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa.

 

 

Qasaare kale oo intaasi ka badan lagama soo warin weerarkaasi, balse tani ayaa daba socotay duqeymo kale oo sidaan oo kale ah uga dhacay maalintii shalay ahayd gobalka Shabeelaha Hoose.

 

 

Weli ma jirto faah faahin ay dowladda Maraykanka kasoo bixisay duqeyntaan iyo magaca sarkaalka Al-shabaabka ah ee lagu dilay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here