Home Wararka caalamka Daawo Sawirada Qaraxii Maanta ee ismiidaaminta ahaa iyo ula Jeedka Ka Danbeeyay...

Daawo Sawirada Qaraxii Maanta ee ismiidaaminta ahaa iyo ula Jeedka Ka Danbeeyay Weerarkaas…

0

Waxay faah faahin dheeraad ah ka soo baxeysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee galabta lagu qaaday Hotelka S.Y.L, oo ku yaala meel ku dhow Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

 

 

Xilligii weerarka uu dhacaayay, ayaa waxaa Hotelka S.Y.L uu shir kaga soconaayay khuburo xagga ammaaka ah oo reer Turki ah, kuwaa oo sida la tilmaamay u gogol xaaraaya booqashada Madaxweynaha Turkiga, uu ku imaanaayo Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Sarkaal ka tirsan Booliska Somaliya, ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in ay nabad qabaan Saraakiisha Turkiga u dhashay, isla-markaana ay ku sugan yihiin gudaha Dhismaha S.Y.L.

 

 

 

Dowladda Turkiga, ayaa waxay dhankeedu xaqiijisay inaanay Saraakiisheedu waxyeelo ka soo gaarin weerarkaasi, isla-markaana aan waxba laga bedelin qorshaha uu Madaxweyne Erdogan uu ku tagaayo Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Nin goobjooge ahaa, ayaa Reuters u sheegay in uu arkay dhimashada laba askari oo Ciidamada Booliska ka tirsan, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

 

 

 

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble, ayaa VOA u sheegay in hal ruux uu weerarkaasi ku dhintay, halka laba kalana ay ku dhaawacantay.

 

 

 

Dhinaca kale Ururka Al Shabaab, ayaa waxay sheegteen masuuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday afaafka hore ee Hotelka S.Y.L, laakiin maysan sheegin faah faahin ku aadan waxyeelada ka dhalatay.

 

 

 

Marka laga soo taggo weerarka ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaad arkeysaa in ammaanka Caasimadu uu yahay mid si weyn loo adkeeyay.

 

 

 

Daawo Sawirada

ismi1 ismi2 ismi3 ismi4

Muqdisho waxaa laga dareemayaa  diyaar garow xoog leh oo lagu doonaayo in lagu soo dhaweeyo Hogaamiyaha Turkiga Receb Tayyib Erdogan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here