Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar ku Qaaday Degaano Dhawaan laga Saaray iyo Ganacsato Sabab...

Alshabaab oo Weerar ku Qaaday Degaano Dhawaan laga Saaray iyo Ganacsato Sabab yaab leh loogu laayay halkaas

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ganacsato lagu laayay deegaan hoosta degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Ugu yaraan saddex nin ganacsato ah, isla markaana ahaa walaalo ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay deegaanka Diin-laawe ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dilka kahor waxaa deegaanka soo weeraray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka Macawiisleyda.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal dhex-maray labada dhinac, waxaana markii dambe dib u laabtay xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Intaasi kadib ciidamada deegaanka ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen saddexda nin ee ganacsatada ahaa, iyaga oo ku eedeeyay inay jawaasiis u ahaayeen Al-Shabaab.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo haatan laga dareemayo gobolka, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemaya aagga degmada Mahaaday.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dhacdadaasi oo saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.
Ad
Previous articleCiidamada Amaanka oo Gacanta oo Gacanta kusoo Dhigay Muno Awsame Xuseen oo dhacda argagax leh Gaystay
Next articleCabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka ahaa ee ay dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here