Home Wararka Somaliya Somaliland Somaaliland oo War Layaab leh Kasoo Saartay Heshiiskii Musse biixi iyo Abiya...

Somaaliland oo War Layaab leh Kasoo Saartay Heshiiskii Musse biixi iyo Abiya Axmed ee Bada Soomaaliya

0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inuu guul ku dhaw yahay heshiiskii ay horraantii sanadkaan Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiskan oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay diidmo caalami ah, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Guddida farsamo ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo maanta warbixin siiyay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay “in labada dhinac ay ku hawlan yihiin sidii uu heshiiska u hirgeli lahaa”.

Guddigan oo muddooyinkii waday dambe dadaallo lagu xoojinayo dhaqan-galka heshiiska is-afgarad ayaa horey u booqday dhul badeedka loo asteeyay Itoobiya oo ku yaalla degmada Lughaya, halkaasi oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Itoobiya ay dib uga joogsatay inay aqoonsato Somaliland, iyada oo xukuumadda Abiy ay diblumaasiyiinta reer Galbeedka dhawaan u sheegtay inay ka go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland oo dhankeeda weli ku adkeysaneysa heshiiskan ayaa sheegtay in laba bil gudahood lagu soo gaba-gabeynayo dhameystirka heshiiska, halka Itoobiya ay muujineyso taasi bedelkeed kadib cadaadis diblumaasiyadeed oo ay wajaheyso.

Si kastaba, heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1-da 2024 kala saxiixdeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah, taasi oo keentay in Itoobiya ay dib uga joogsato damaceeda guracan ee ay ku rabto dhul baddeed.

Ad
Previous articleNin Soomaali ah oo Isniin walba guba kaam qaxooti oo ku yaalla Jarmalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here