Home Wararka Maanta Abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday Gobalada...

Abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday Gobalada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug

0

 Dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya xeryaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa looga gol leeyahay in ciidamadu ay qaadaan guluf maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay ka arrimiyaan Gobolada Dhexe.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii ay dadku ku fekerayeen in wada hadal lagu dayo maleeshiyadaasi.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in heer geba-gabo uu marayo diyaargarowga ka jira deegaanada Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada hawlgalada ka wada Hirshabelle iyo kuwa Galmudug ay dhawaan meel dhexe isugu imaan doonaan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) u diray Galmudug, si uu wax kaga hoggaaminayo hawlgalada lagu wado in ay ka bilowdaan deegaanada maamulkaasi.

Khubarada amniga ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ay xilligan wajahayaan waqtigoodii ugu adkaa, muddadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee ay dalka ka dagaalamayeen.

Ad
Previous articleilhaan Cumur oo Xaflad aan Caadi ahayn oo Soo Dhawayn ah Loogu Qabtay Muqdisho(Sawiro)
Next articleWafdigii U Horeeyay Ee Ka Socda Dowladda Itoobiya Oo Mudo kadib Gaaray Gobolka Tigray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here