Home puntland Abwanad Sahro Daahir Mire=Digniintii Galmdug iyo Damiirkeygu sida uu Qabo…

Abwanad Sahro Daahir Mire=Digniintii Galmdug iyo Damiirkeygu sida uu Qabo…

1

sahra

DIGNIINTII GALMUDUG IYO DAMIIRKAYGU SIDUU QABO

xeerbeegtidii xula
xilkas wiila iyo oday
xaawaleey dhamaantood
xulka reer Galmudugoow (Galgaduud Iyo Mudug)

 

 

xaalkaagu siduu yahay
xogta aad ku nooshahay
xubeero iyo gaajada
xaaladihii la soo maray
nin aan xaajadaa galin
ku xasuusan waagaas
nin aan xoolo kuu dhiqin
maalintay xaraartahay
ee xumaato dunidii
xaas walwaal nin aan noqon
oo xashaystay maalkii
xoogiisa kuu hurin
xaalkaaga ma ogoo
xilba kaama saarnee
dadoow yuu xil kuu qaban

 

 

 

maalintaad xarago iyo
xayi aada aad tahay
xanuunkii ku daayoo
dadku xiiso kuu qabo
magacaagu xiimoo
daruuraha ku xiran yahay

 

 

 

ninka soo xawaarayn
isagoo xil kaa raba
xaruntaad ku nooshiyo
xaafadaada soo dagay
xusulduubna ugu jira
inuu xaaska kula raro
uu xeerka kula dhigo
xog ogaalna kuu noqon
xaasid weeye kaasiye
dadoow yuu xil kuu qaban

 

 

 

hal xiraalahaygiyo
ninkaan xaajadaas garan
xilka iyo wadaninimo
markii duurka lala xulo
xaqiisii la duudsiyo
ee xoonka loo jaro
xabaalahana lagu rido
yuu xasuusan doonaa
xigmadaan u sheegiyo
hal xiraalahaygaas.

 

 

 

By::SAHRA DAAHIR MIRE

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here