Home Wararka Maanta Ukraine oo sheegtay in Heshiis Nabadeed la Qaadaneyso Ruushka hadii sidan Xaalka...

Ukraine oo sheegtay in Heshiis Nabadeed la Qaadaneyso Ruushka hadii sidan Xaalka ku socdo

0

Alexey Arestovich, oo ah La-taliyaha Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Moscow iyo Kiev ay saxiixi karaan heshiis nabadeed toddobaadyada soo socda. Ruushka ayaa weeraray dalkan ay jaarka yihiin 24-kii Febraayo.

“Waxaan rumeysan ahay, sida ay u badan tahay, inaan heshiis nabadeed gaari doono bisha Maajo (May) weliba horraanteeda, ama laga yaabee xitaa kahor. Waan arki doonnaa sida ay wax u dhacaan,” ayuu yiri Arestovich oo soo muuqday hilinka Youtube uu ku leeyahay dhaqdhaqaaqaha siyaasadeed ee Mark Feygin.

Waxa uu intaa ku daray in marka la saadiyo sennaariyaha ugu wanaagsan, heshiis ku saabsan bixitaanka ciidamada Ruushka xitaa lagu gaari karo “hal ilaa laba toddobaad gudohood.”

La-taliyuhu wuxuu kaloo sheegay in wareeggii afraad ee wadahadalka, oo Isniintii shalay ahayd lagu qabtay dhanka muuqaalka tooska ah, uu ahaa mid “wax dhisaya oo ka wax ku oolsan kuwii hore.”

Mykhailo Podolyak, oo ah La-taliye kale oo uu leeyahay Madaxweynaha Ukraine, ayaa shaaciyey in wada-xaajoodayaashu ay qaateen wax uu ku tibaaxay “biririf farsamo” ilaa Talaadada si “la cadeeyo qeexitaannada gaark ah ah.”

Wada-xaajoodayaasha ayaa horey ugu heshiiyey dariiqyada dadka rayidka ah looga daadgureynayo magaalooyinka ay colaaduhu ka jiraan sida Mariupol, oo ah deked ku taal xeebta Azov Sea oo ay gebi ahaanba ku hareeraysan yihiin ciidamada Ruushka iyo ciidamada uu Ruushku u yaqaan Jamhuuriyadda Dadka Donetsk (DPR) oo ay weheliso Jamhuuriyadda ay dariska yihiin ee Lugansk People’s Republic (LPR), taasoo ay Moscow u taqaan mid ka go’day Ukraine kaddib afgembigii 2014 ee Kiev looga eryey Viktor Yanukovych oo Ruushka la hayey.

Dhanka kale, MW Ukraine ayaa u muuqda mid aad uga debcey mowqifkiisii ahaa ka mid noqoshada NATO, sida uu horay u qoray France 24.

Ad
Previous articleDanmark oo diiday qaxootiga Ukraine ee soo galay xadkeeda, Sweden oo ka hadashey dhankeeda
Next articleMadaxweynaha Ukraine oo sheegay in NATO aysan Difaaci karin Xitaa kuwa ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here