Home Wararka caalamka Sakariye Cismaaciil oo laga Dajiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho…

Sakariye Cismaaciil oo laga Dajiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho…

1

Diyaarad siday Zakariye Ismaaciil Xirsi & Saraakiil Ciidanka Sirdoonka Kenya kamid ah ayaa Goor-dhow kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

 

 

 

 

 

Diyaarada oo ah mid Gaar ah ayaa waxay Muqdisho keentay Zakariye, Xildhibaano Soomaali ah & Saraakiil Ciidanka oo isagu jira Soomaali iyo Kenyan, waxaana Diyaarada Maanta oo Arbaco ah Gelinki idanbe kasoo duushay Magaalada Wajeer.

 

 

 

 

 

 

Tallaabada Kenya ay kusoo celisay Zakariye Ismaaciil Xirsi ayaa timid markii Dowladda Federaalka Soomaaliya Dawcad ka dhan ah Kenya u gudbisay Shalay Hogaanka Midowga Africa.

 

 

 

 

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya aysan Xaq u lahayn inay Muwaadin Soomaaliyeed ay dalkeeda Maxkamad kusoo taagto, iyadoo dalka uu Dowlad & Maxkamado Dastuuri ah leeyahay.

 

 

 

 

 

 

Kenya ayaa iska soo wareejisay Zakariye, oo 18 Bilood kahor kasoo goostay Kooxda Al shabaab, Maalin kadib markii ay Ciidankeeda inta ay tageen Ceel Waaq ay xoog kula soo wateen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here