Home Wararka Maanta Puntland oo Dagaalkii Shalay ka Dhacay Mudug ku eedaysay Madaxweyne Xasan Shiikh

Puntland oo Dagaalkii Shalay ka Dhacay Mudug ku eedaysay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay dagaal beeleed ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Mudug.

Shaqaaqada kasoo cusboonaatay Mudug oo u dhaxeysa beelo ood-wadaag ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Qorshaynta Maamulka Maxamed Saciid Faroole ayaa isla xiriiriyay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Mudug iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu billow u yahay dagaal saddexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaaladii gobolka Mudug ka dhacay sanadihii 2015 iyo 2016-kii ay dhaceen xilligii hore ee uu madaxweyne Xasan Soomaaliya uu joogay xafiiska.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli dhinacyadii ku dagaalamay aagga Galdogob uu mid walba ku eedeeyay dagaalkii shalay inay ku lug lahaayeen dowladda federaalka, Galmudug iyo Puntland.

Si kastaba, Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac, hase yeeshe sida muuqata si rasmi ah dhaqan-gal uma noqon.

Ad
Previous articleQoyska ninka hubka dibadda uga soo iibin jiray Shabaab ee Dhawaan Laqabtay oo War lama Filaan ah Soo saaray
Next articleXagee Ku Xiran yahay Taakeeye iyo Sida Cajiibka ah ee loosoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here