Home Wararka Maanta Puntland oo Ajaanib ay Gacanta Kusoo Dhigtay ku Xukuntay Dil Toogasho ah

Puntland oo Ajaanib ay Gacanta Kusoo Dhigtay ku Xukuntay Dil Toogasho ah

0

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday rag ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali, sidoo kale maxkamadda ayaa siideysay oo xoriyadiisa dib ugu celisay wiil Soomaali ah oo ragaas la socday, kaas oo wax dembi ah lagu waayey.

Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim Cusaman oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa faahfaahin ka bixiyey xukunada lagu riday raggaas oo isugu jira Marookaan, Itoobiyaan iyo Soomaali.

Guddoomiye Cali Ibraahim ayaa sheegay in maxkamaddu ay maanta xukun dil ah ku riday 6 nin oo u dhashay dalka Morocco, kuwaas oo maxkamaddu ku heshay in ay ka mid ahaayeen kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay buuraha Caal-Miskaat ee gobolka Bari.

“Maanta waxaan go’aan ka gaarnay eedeymo loo heystay 9-nin oo 6 ka mid ah ay u dhasheen dalka Morocco, kuwaas oo dalal badan uga soo gudbay inay haligaan nolosha dadka Soomaaliyeed, waxaa u suurta-gashay inay soo galaan buuraha gobolka Bari oo Daacish ku biiraan, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuno xabsi oo dhowr sano ah ku riday nin Soomaali ah iyo nin u dhashey dalka Ethiopia, kuwaas oo ayaguna ku eedeysan inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish.

“Waxaa jira nin u dhashay dalka Itoobiya, kaas oo Daacish ka tirsanaa, xabsi ayaa lagu xukumay isaga iyo nin Soomaali ah oo darawal ka ahaa gaari xamuul ah oo la qabtay isagoo Daacish rar u sida,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Raggaas 9-ka ah, labo nin kaliya ayaa Soomaali ka ah, 10 sano oo xabsi ah ayaa lagu xukumay Cabdulqaadir Jaamac Maxamed oo ahaa darawalka gaari la qabtay isagoo agab u sida Daacish, halka dembi lagu waayey Ayuub Jimcaale oo ahaa kirishboygii gaarigaas, maadaama la qiyaamay oo laga qariyey alaabta gaariga saaran ee Daacish loo siday.

“Ragaan dagaal kuma jirin, laakiin ciidamada Puntland ayaa soo qabtay iyagoo ka tirsan argagixisada, buuraha ayaa laga soo qabtay, muddo labo sano ah ayey joogeen buuraha Calmiskat, waana qiraal,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim Cusaman.
Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Xero Uu ku Sugnaa Wasiiir….
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay ee Shirka Qaramada Midoobey ee ka Dhacay Kenya muxuu yiri?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here