Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Dagaal Culus ku qaaday Deegaanka Budbud Galmudug ee Dhawaan Laga...

Alshabaab oo Dagaal Culus ku qaaday Deegaanka Budbud Galmudug ee Dhawaan Laga saaray

0

Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud kaasoo dhexmaray ciidamada DF iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sida Wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ababulan oo ku bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey ku qaadeen degaanka Budbud.

Qaraxyada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada DF ee degmadaas qabsaday maalmo ka hor iyo kuwa Al-Shabaab ee weerarka rogaal celiska ah ku soo qaaday degaanka.

Labada dhinac ayey wararku sheegayaan iney degaanka Budbud ku dhexmaray dagaal culus oo hub kala duwan loo adeegsaday kaasoo soo gaaray ilaa caawa xiliga afurka.

Xiliga uu weerarka bilaabanayey ayey wararku sheegayaan iney degaanka Budbud ku sugnaeyeen Saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo ay ka mid ahaayeen Col. Saney Cabdulle iyo Xildhibaan Maxamed abuukar Jacfar.

Ciidamada DF ee ku sugnaa degaanka Budbud ayaa la sheegay in markii hore loo awood sheegtay hase ahaatee  Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo wata ciidan xoog leh ayaa ku biiray dagaalka, waxaana u suurta gashay inay ka adkaadaan Shabaab-kii weerarka ku soo qaaday Budbud sida warbaahinya u xaqiijiyeen saraakiil halkaas ku sugan.

War laga baahiyey warbaahinta DF ayaa lagu sheegay in al-shabaab lagu jebiyey isku day ay ku doonayeen iney ku qabsadaan degaanka Budbud, khasaare culusna soo geystay.

Khasaare xooggan oo labada dhinac soo kala gaaray ayaa la sheegayaa inuu sababay dagaalka inkastoo aan tirakoob saxan laga helin

Dowlada Somalia ayaan weli wax war ah ka soo saarin dagaalka galabta, hase ahatee afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka galabta

“Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Arbaco ah, 28 Ramadan 1444H, salaadii Casir kadib weerar ku qaadeen saldhig ay Maleeshiyaadka DF  dhawaan ka samaysteen deegaanka Budbud ee hoostaga degmada Galcad wilaayada Galgaduud. Weerarka oo ku billawday camaliyad ishtish-haadi ah waxaa xigay dagaal ay Mujaahidiintu dhinacyo kala duwan uga qaadeen cadawga. Allaah fadligiis ciidamada Mujaahidiinta waxaa u suurtagashay inay si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii murtadiinta ee deegaanka Budbud.  Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray cadawga, waxaa sidoo kale jira gaadiid badan, hub iyo saanad ciidan oo cadawga laga qaniimaystay, qaar kalena laga gubay. Faahfaahin intaas ka badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha-Allaah” ayuu yiri Abu Muscab.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Oo Gaaray Degmada Baxda(Sawiro)
Next articleXildhibaan Yaasiin Farey oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Bubdud iyo Beebeyaal Laga Gubay Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here