Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo Ka Hadlay Guusha Taariikhiga ah ee Uu Gaaray Madaxweyne...

Qoor Qoor oo Ka Hadlay Guusha Taariikhiga ah ee Uu Gaaray Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee xakay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynaha JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Ad
Previous articleAkhriso:- Taariikhda Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Next articleAbiya Axmed oo Hambalyo usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here