Home English News Kireynta gawaarida raaxada oo hay.adaha amaanka ay macnuuceen..sababta…

Kireynta gawaarida raaxada oo hay.adaha amaanka ay macnuuceen..sababta…

0
SHARE

War kasoo baxay Hay’adaha amniga Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu mamnuucay gaadiidka la kala kireysto ee magaalada Muqdisho oo amaan darada ka jirtaa ay sii korortay Dhawaanahaan.

 

 

 

 

Amarkaani ayaa waxaa soo saaray Laamaha amaanka, waxa ayna sidoo kale soo bandhigeen rag ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin dadkii falalka amaandari ka waday magaalada Muqdisho,kuwaasi oo la sheegay inay hada yihiin maxkamad sugayaal islamarkaani howlaha ku fulin jiray Gawaari ay kireysteen.

 

 

 

 

Amarkan oo si wada jir ah uga soo baxay Hay’adaha Amniga Dalka ayaa ah mid ku wajahan ganacsatada kireysa Baabuurta, waxayna go’aankan ka dambeeyay markii Hay’adaha Amniga ay ogaadeen in rag ka tirsan Al-shabaab ay soo kireystaan Baabuurta ay u adeegsadaan dilalka ay ka geystaan magaalada Muqdisho,sida hay’adaha amniga ay shaaciyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here