Home English News Amison oo degmada marka ee gobolka shabellada hoose ku leysay dad shacab...

Amison oo degmada marka ee gobolka shabellada hoose ku leysay dad shacab ah…

0

Wararka ka imaanaya Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM Ee Degmadaasi ku sugan ay Dad Shacab ah ku laayeen,waxaana Dadka ay AMISOM dileen ku jira Nabaddoon Caanka ka ah Degmada.

 

 

 

 

Dadka ay Dileen Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay Gaarayaan ilaa Saddex Ruux,oo uu ku jiro sidaan horay u soo sheegnay Nabaddoon Marka Caan ka ah.

 

 

 

 

Mid kamid ah Dadka Ehelkooda ay Ciidamada AMISOM Dileen ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadka Xaafadaha ay ka soo Aruuriyeen AMISOM,kadibna ay Dileen.

 

 

 

 

“Dadka AMISOM Xaafadaha ayey ka soo Kaxaysteen Ujeedka magaranayo,Arrinta AMISOM Waa Xasuuq Bareer ah,Dadka ay Dileen Xitaa Dhac ayey u geeysteen oo Nabaddoonka waxaa ay ka qaateen Lacag 3Milyan  oo Shilin Soomaali ah”ayuu yiri Goobjoogaha.

 

 

 

 

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Cambaareeyay Dadka Degmada ay ku Dileen Ciidamada AMISOM ee Ku sugan Degmadaasi.

 

 

 

 

Ma ahan Markii ugu horeeysay oo Ciidamada ay Dadka Ku Nool Degmadaasi ay Dil iyo Dhac u geeystaan,mana jirto cid Dhibaatadaasi wax ka qabatay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here