Home Wararka caalamka Guriceel oo lagu dabiibayo dad sumoomay kadib markii ay cuneen…

Guriceel oo lagu dabiibayo dad sumoomay kadib markii ay cuneen…

1

Waxaa soo hagaagaysa xaalada caafimaad dadkii ku sumoobay raashin iyo caano ay cabeen Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Maroodile kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo Isbitaalka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

 

 

Dadkaan ayaa gaaraya qoys ka kooban 10-ruux oo oo raashinka iyo caanaha ay cabeen ku sumoobay, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel ay sheegayaan inay soo hagaagaysa xaalada caafimaad ee dadkaasi.

 

 

Dabiib iyo la tacaalid kadib xaalada dadkaan ayaa ah kuwa soo yara wanaagsanaanaysa sida dhaqaatiirta ay inoo sheegeen.

 

 

Dadka reer miyiga ah oo caagadaha ay ku shubtaan sunta ay u adeegsadaan xoolaha, ayaa isla caagadaha hadana waxa ay u isticmaalaan inay caano ku shubtaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here