Home Wararka Maanta Ninkii diley Sheekh Maxamed Xasan Adam oo la xukumay

Ninkii diley Sheekh Maxamed Xasan Adam oo la xukumay

0

Nin afduubtay, dhacay ka dibna diley wadaad caan ka dhex ahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay in uu xabsi ku qaato cimrigiisa inta ka dhiman.

Dilaaga oo lagu magacaabo John Wooden Jr. oo 48 sano jir ah ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay aan cafislagu siideyn karin muddo 73 sano ah, ka dib markii lagu helay dhammaan dambiyadii loo haystay.

Guddi xeerbeegti ah oo Khamiistii la soo dhaafay fariistay maxakamad cabshooyinka guud dhegeysata oo ku taal degmada Franklin ee magaalada Columbus ayaa Mr. Wooden ku helay in uu afduubtay, dhacay ka dibna diley Marxuum Maxamed Xasan Adam bishii Disember 2021.

Sheekh Maxamed Xasan Adam oo markii la diley 48 sano jir ahaa, wuxuu Iimaam ka ahaa masjidka Abu Hurayra oo ku yaal Waqooyiga Bari ee Columbus. Xukunkanina wuxuu soo xiray bog tiiraanyo leh oo muddo labo sano ka bdan furnaa.

Ad
Previous articleSharciga cusub ee dhalashada Hindiya oo muslimiinta laga saaray
Next articleQoor Qoor oo Saakay ku Wajahan Furimaha Dagaalka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here